Dowladda Soomaaliya Oo Magdhaw Ka Dalbatay Markabkii Gooyay Internet-ka Fibre Optic | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dowladda Soomaaliya Oo Magdhaw Ka Dalbatay Markabkii Gooyay Internet-ka Fibre Optic
July 12, 2017 - Written by Reporter:

Muqdisho(W,N) – Dowladda Soomaaliya ayaa magdhaw ka dalbatay shirkadda markabkii gooyay internetka Fibre Optic ee soo marayay badda hoosteeda, iyadoo markab la sheegay inuu arrintan ka dambeeyay lagu amray in aanu ka bixi karin xeebaha Muqdisho.

 

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in muddo 15 maalmood ka badan ay Internet-ka Fibre Optic uu ka go’an yahay Koofurta Soomaaliya, ayna sababtay khasaare baaxad leh.

 

Dr. Axmed Cali Dahir ayaa sheegay in maalin walba la khasaaro lacag dhan 10-milyan oo dollar, kaas oo sababay Internet la’aanta ka jirta Koofurta Soomaaliya, isla markaana uu saameyn ku yeeshay adeegyadii bulshada.

 

Waxaa uu sheegay in magdhaw laga doonayo shirkadii ku lug laheyd dhibaatada ka dhalatay Internet la’aanta, waxaana uu ka dalbaday inay jawaab ka bixiyaan.

“Cidii ku lug leh arrintan sharciga ayaa lala tiigsanaa, shirkadda markabkaas is ka leh waxaa laga rabaa magdhow inay bixiyaan oo ah dhibaatada ay geystaan, jawaab ayaana laga sugayaa”ayuu yidhi Dr. Axmed Cali Dahir.

 

Xeer Ilaaliyaha Soomaaliya ayaa sheegay in xilliga aanay Soomaaliya aheyd dal wixii la doono laga sameeyo oo laga dhaqaaqo.

Markab taagan agagaarka Dekeda Muqdisho ayaa loo heystaa inuu gooyay Internet-kii ka go’ay Badda, waxaana shirkadda leh markabkan ay dalbatay in cadeyn loo keeno arrintan

 

Markabkan oo lagu magacaabo MSC Alice ayaa taagan dekedda Magaalada Muqdisho ilaa habeenkii uu go’ay Xadhiga Internet-ka ee Fibre Opticska oo beegneyd ciidii aynu soo dhaafnay.

 

Muran u dhaxeeya Shirkadda leh Markabka MSC Alice ee loo heysto inuu Internet-ka jaray iyo dowladda Soomaaliya ayaa ka taagan Dekeda Muqdisho, iyadoo Markabkan markii uu alaabtii uu siday ku dejiyay Dekeda Muqdisho, lagu amray in aanu ka dhaqaaqi karin agagaarka Dekeda.

 

markab1-620x330

COMMENTS
LINKS