Dawlada Turkiga Oo Shaqadii Ka Eryay 7,000 Oo Qof Sanad Kadib Afgambigii Dhicisoobay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Turkiga Oo Shaqadii Ka Eryay 7,000 Oo Qof Sanad Kadib Afgambigii Dhicisoobay
July 15, 2017 - Written by Reporter:

Istanbul,(W,N)-Tan iyo afgembihii dhicsoobay ee 2016 Turkiga ka dhacay waxaa shaqada laga eryay kumanaan iyadoo kumanaan kalana xabsiyada loo taxaabay.
Turkiga ayaa soo saaray wareegto uu shaqada kaga ceydhiyay kumanaan Iyadoo maanta ay ku beegan tahay sanad guuradii koowaad ee iskudaygii afgembigii  dhicisoobay.

In ka badan todobo kun oo isugu jira saraakiil booliis, xubno dowladda ka tirsan iyo aqoonyahanno ayaa wareegtadasi shaqada looga eryay.
Turkiga ayaa hore shaqada uga eryay in ka badan boqol iyo konton kun oo saraakiil ah sanadkii hore, isla markaana xidhay ilaa konton kun oo ka tirsan xoogagga milatariga iyo booliiska.
In ka badan labo boqol iyo kontan qof ayaa ku dhimatay magaalooyinka Ankara iyo Istanbul markii ciidammo mucaarad ah ay weerarro ku qaadeen iyagoo adeegsanaya taangiyo iyo helikobtarro sanad ka hor maanta oo kale.

madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa dalbaday in marnaba aan wax damqasho ah loo muujin kuwa shaqada laga tiray.
Baarlamaanka Turkiga ayaa gelinka dambe ee maanta yeelan doona kulan gaar ah oo lagu xusayo dhacdadaasi, ayadoo sidookalana ay dowladdu ku dhawaaqday fasax qaran.

Madaxweyne Erdogan ayaa ka qeybgali doono furitaanka taalo loo dhisay 250-kii qof ee ku dhintay isku-daygaasi afgembi.
download (1)

COMMENTS
LINKS