Danyartii Dalkuba Dab May Shidane Durbaanada La Tumayo Aynu Ka Dayno W/Q: Cabdiqaadir Jiciir | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Danyartii Dalkuba Dab May Shidane Durbaanada La Tumayo Aynu Ka Dayno W/Q: Cabdiqaadir Jiciir
July 18, 2017 - Written by Reporter:

Waxaan maqaalkan igu kalifay in aan qallinka ugu qaato oo aan wax ka qoro, halka ay marayso xaaladda dalka siyaasadda iyo nolosha bulshadeenu inay tahay mid kaaf iyo kala dheeri ah.

 

Taas oo aannu damiirkaagu si siinayn, marka aad telefiishannada baahintooda daawanayso aad ku arkayso iyaga oo bulshada uga warramaya, xisbi hebel ayaa qolo ka soo baxday xisbi hebel ku biiray ama la leeyahay; xisbi hebel baa lagu digo-rogtay, oo xisbi hebel ayaa lagu digo-rogtay.

Arrintani waxay u ahayd oo soo cusboonaatay, siina dardargeliyey, kadib markii Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ay muwaadiniinta u iclaamiyeen qaadashada kaadhka codbixinta doorashadooynka la filayo inay ka qabsoomaan dalka, taas oo sabab u noqotay in waqtil-xaadirkan xisbiyadu qaranku horseedaan bilaabitaanka  ololaha doorashada.

Haddaba, aragtida siyaasadeed ee dalku ku sugan yahay, waxay meesha ka saaraysaa xaaladda danyarta Somaliland ku sugan tahay, taasoo marka aynu eegno jawiga maceeshada ay ku nool yihiin uu yahay mid bakhtigu xallaal u yahay, kadib markii dollarkii cirka isku shareeray ee lacagtii dalkuna nonqotay mid dhulka lala galay oo aan waxba tarayn.

Ugu dembeyntii, maqaalkaygan waxaan ku soo af-meerayaa, dan-yartii dalkuba dab may shidane, durbaannada la tumanayo, isma qabanayaane aynu ka dayno, waar miyaa la innaga waayey cid dalkan iyo dadkan ka naxaysa oo in uun tudhaale u haysa. Bal adba!

W/Q:  Cabdiqaadir Jiciir

COMMENTS
LINKS