Dadwayne Mudaharaad Ka Hor Dhigay Xafiiska Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dadwayne Mudaharaad Ka Hor Dhigay Xafiiska Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex
July 16, 2017 - Written by Reporter:

Hargeysa(W,N)-Dadwaynaha ku dhaqan xaafada Istaanbuul ee magaalada Hargeysa oo ah xaafadaha u dhaw buurta Naaso Hablood isla markaana ay dagan yihiin dad dan yar ah ayaa goor dhawayd mudaharaad ka hor dhigay xafiiska badhasaabka gobolka Maroodi-jeex.

Waxaana dadwaynahan oo u badan waayeel ay ka cabanayaan sida la sheegay in uu yahay gudoomiyaha xaafadda oo ay sheegeen in uu dhib badan ku hayo isla markaana uu ka gurto lacago aanay awoodin,kaas oo dhawaan ciidamada Booliska gobolka Maroodi-jeex gacanta kusoo dhigeen islamarkaaana ay xidheen.
Dadwaynahan ayaa waxay mudaharaadkoodan kaga soo horjeesteen in lasoo daayo ninkaasi oo ay ka dhawaajiyeen in u dhib badan ku hayay bulshada xaafada,waxaana ay cabashada la hor tageen xafiiska badhasaabka oo isagu xidhay ninkan.
Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex ayaa intaasi kadib kulan ay albaabadu u xidhan yihiin la qaatay qaar kamid ah bulshadii mudaharaadaysay,waxaana hadda shir wali uga socdaa xafiiskiisa.
Gabagabadiina kacdoonkan danyarta ayaa bilaabmay ka dib markii ay maqleen warar sheegaya in la siidaynayo ninkaasi ay ka cabanayaan isla markaana ay ka dhawaajiyeen in uu dhib badan ku hayay bulshada xaafada.

COMMENTS
LINKS