DAAWO ; Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Ee Dalka Norway Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo kormeer kusoo Maray Goobaha Ay ka Socoto Qaadashada Kaadhka Codbixinta Ee Gobolka Gabiley. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO ; Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Ee Dalka Norway Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo kormeer kusoo Maray Goobaha Ay ka Socoto Qaadashada Kaadhka Codbixinta Ee Gobolka Gabiley.
July 11, 2017 - Written by Editor:

GABILEY (W,N) Waftigan Oo uu Hor kacayay  Gudoomiyaha  Xisbiga Mucaaridka ah Ee Wadani,  Dalka Norway Eng Cali Cabdilaahi Bulxan

Xubnaha Waftiga ayaa waxa Magalooyinka Gabiley Iyo Arabsiyo kusoo Dhaweeyay Madaxa Ololaha  Xisbiga wadani ,Gudoomiyaha Gobolka ,Sheekhu Baladka Gobolka Gabiley, Gudoomiyaha Degmada Arabsiyo Iyo xubno kale oo xisbiga ka tirsan.

ENG CALI NORWAYN 3

Ugu horay Gudoomiyaha Dalka Norway ee xisbiga Eng Cali Cabdilaahi Bulxan  ayaa kormeerkan ka bilaabay magaalada Gabiley iyo Arabsiyo isagoo Ugu kuur galayay sida ay usocoto qaadashada kaadhka codbixinta isagoo xusay in ujeedada safarkootu tahay sidii ay bulshada gobolka gabiley ku dhaqan loogu dhiiri galin lahaa qaadashada kaadhka codbixinta.

Dhanka kale Gudoomiyaha Dalka Norway ee wadani ayaa  ka hadlay Aafada Sixir Bararka Oo noqday mid saamay balaadhan ku yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada .

ENG CALI NORWAY 1

HALKAN KA DAAWO MUQAALKA WAFTIGAN

https://youtu.be/jaTxXM7dgjo

COMMENTS
LINKS