Codsigii Xukuumada Ee Dib U Dhigista Kaadh Qaybinta Sool Iyo Sanaag, Kaabidii Ucid, Jawaabtii Koomiishanka Qaranka Iyo Doodii Wadani Iyo Kulmiye | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Codsigii Xukuumada Ee Dib U Dhigista Kaadh Qaybinta Sool Iyo Sanaag, Kaabidii Ucid, Jawaabtii Koomiishanka Qaranka Iyo Doodii Wadani Iyo Kulmiye
July 31, 2017 - Written by Reporter:

Hargeysa,(W,N)-Guddiga komishanka Qaranka Somaliland,saddexda xisbi Qaran iyo xukuumadda Somaliland ayaa kulan ay yeesheen sabtidii galinkii danbe socdayna ilaa 7-dii habeenimo,waxay kaga wada hadleen ajande la xidhiidhay guud ahaan sugidda amaanka goobaha kaadh qaadashada ee gobolada Sanaag iyo Sool oo ay ka bilaabmayso qaybinta kaadhadhku 12 Ogosto 2017,gaar ahaana goobaha deegaanada Ceel-afwayn ee dirirta soo noqnoqotay ku dhex martay beelaha walaalaha ah ee halkaa wada daga.

Sida ay sheegeen xogo uu wargeyska Ogaal kasoo xigtay ilo u dhuun daloolay madashaasi,kulankaas oo komishanku qaban qaabiyey waxa ka qayb galay madaxda sare ee saddexda xisbi Qaran iyo wasiiro xukuumadda ka tirsan isla markaana Komishanka Qaranka u bandhigay in loo baahan yahay in la xaqiijiyo sugitaanka Amniga sagaal goobood oo ku yaalla deegaanada shaqaaqadu kusoo noqnoqotay iyo guud ahaan amniga guud ee goobaha kaadh qaybinta ee gobolada Sool iyo Sanaag.

Xoguhu waxay intaa ku dareen in wasiirada xukuumadda ee shirkaa ka qayb galay oo ay kamid ahaayeen wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi iyo wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir “Faratoon” ay dalbadeen in dib loo dhigo kaadh qaybinta gobolada Sool iyo Sanaag muddo Toban maalmood ah,si mudadaa loo soo afjaro shaqaaqada ka taagan deegaanada Ceel-afwayn.
Sidoo kale gudoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe ayaa la sheegay inuu halkaa ka dhiibtay dood uu ku adkaynayay dalabkaa wasiirada,hase ahaatee Komishanka doorashooyinka ayaa sheegay in aan waqti danbe la lumin Karin oo aanay suurtogal ahayn,balse loo baahan yahay uun sugitaanka Amniga sagaalka goobood ee jiida ku yaala.

Hase’yeeshee geesta kale xisbiga KULMYE oo ay halkaa ka fadhiyeen murrashax Muuse Biixi Cabdi, Xasan Gaafaadhi iyo xubno kale oo xisbiga ah,sidoo kale WADDANI waxa ka fadhiyey murrashax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro” Xirsi,Uurcadde iyo xubno kale oo xisbiga kamid ah ayaa siday xoguhu sheegeen isku aragti ka noqday codsigaasi dib u dhigista qaybinta kaadhadhka gobolada Sool iyo Sanaag,waxaanay halkaasi ka sheegeen in aanay jirin sabab dib loogu dhigaa kaadh qaybinta goboladaas,balse loo baahan yahay in xukuumaddu kasoo baxdo sugitaanka amaanka goobahaasi,lana soo afjaro shaqaaqada jiiddaa.

11-14-125x125

Gunaanadkii kulankaasi sida ay xoguhu iftiimiyeen waxa layskula qaatay in lagu socdo sidii qorshuhu ahaa,goboladana kaadh qaybinta laga bilaabo xiligiii hore loogu qorsheeyey ee ahayd 12 Agosto 2017.

COMMENTS
LINKS