Ciidamada Ciraaq Oo Gabi Ahaan Qabsaday Raba Mosul | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidamada Ciraaq Oo Gabi Ahaan Qabsaday Raba Mosul
July 9, 2017 - Written by Reporter:

Ciidamada Ciraaq ayaa waday duulaanka Mosul muddo 9 bilood ah Ciidamada Ciraaq ayaa duulaankooda Mosul hadda ka wada qeybo kooban oo ay magaaladaasi muhiimka ah uga sugan yihiin xooggaga ururka isku magacaabay dowladda Islaamka.

Waxaa la filayaa in dhawaan ay dowladda dalkaasi si rasmi ah u shaaciso qabsashada gebi ahaanba magaaladaasi.
Ciidamada Ciraaq oo ay hawada ka taageerayaan diyaaradaha dagaalka ee xulafada Maraykanka ayaa tan iyo 17-kii Oktoobar ee sanadkii hore waxa ay isku dayayeen in ay qabsadaan Mosul.

Ururka isku magacaabay dowladda Islaamka ayaa bishii Juun ee 2014 waxa uu Mosul kaga dhawaaqay “Khilaafo” uu sheegay in ay ka arimiso Ciraaq iyo Suuriya.
Haseyeeshee sagaalkii bilood ee lasoo dhaafay waxaa laga qabsanayay dhul ballaadhan oo ka tirsan labadaasi dal.

Dagaalka ka dhanka ah ururkaasi ayaa waxaa ku lug leh Kurdiyiinta, Suniyiinta Carabta ah, maleeshiyaad Shiico ah oo dhammaantood garab ka helaya xulafada Maraykanka.
Sabtidii shalay ahayd, dagaalyahannada ururkaasi ayaa ku sugnaa xaafad yar oo u dhaw qeybta qadiimiga ah ee Mosul.

Dowladda Ciraaq ayaa bishii Janaayo shaacisay in ay “xoraysay” bariga Mosul, balse wixii markaa ka dambeeyay waxa ay ciidamadeeda dagaal adag kala kulmeen qeybaha kale ee magaalada.

COMMENTS
LINKS