Chelsea Oo Xaqiijisay Lambarka Uu Xidhan Doono Alvaro Morata | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Chelsea Oo Xaqiijisay Lambarka Uu Xidhan Doono Alvaro Morata
July 24, 2017 - Written by Reporter:

Chelsea ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in Alvaro Morata uu xidhan doono lambarka 9-aad ee kooxda xilli ciyaareedka 2017/2018, waxeyna kusoo beegmaysaa xilli hore loo xaqiijiyay in berito uu safan doono kulankiisa ugu horeeya marka ay wajahaan Bayern Munich.

Blues ayaa dhameystirtay saxeexa Alvaro Morata makaas oo ay 65 Malyan oo Pound kagala soo wareegeen Real Madrid, 21-kii July ayaana heshiiska xidigaan la dhameystiray isagoo saxeexay shan sanadood.

Kooxda ka dhisan galbeedka London waxey ku dhawaaqday in Alvaro Morata uu xdhran doono lambarka 9-aad ee kooxda kaas oo aan cidi xidhan xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay ee ay kooxda ku guuleysatay Premier League.

Markii ugu dambeysay lambarkaas waxaa xidhnaa Radamel Falcao kaas oo amaah ku qaatay Stamford Bridge 2015/2016.

Fernando Torres ayaa muddo xidhnaa lambarkaas, balse haatan Alvaro Morata ayaa xidhan doona kaas oo noqon doona ciyaartooyga ugu muhiimsan kooxda Antonio Conte.

Si kastaba lambarkaan maaha mid ay jecel yahiin jamaahiirta Blues – madama ay aaminsan yahiin inuu yahay mid musiibadiisa wata.

 

morata-squad-number-announced-.img

COMMENTS
LINKS