Burbur Iyo Dayactir La,aan Baahsan Oo Ka Muuqata Wadada U Dhaxaysa Caasimada Hargaysa Ilaa Abdaal+Wasaarada Hawlaha Guud Iyo Guryaynta Oo Ku Fashilantay Inay Waxka Qabato Iyo Dareenka Darawaliinta | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Burbur Iyo Dayactir La,aan Baahsan Oo Ka Muuqata Wadada U Dhaxaysa Caasimada Hargaysa Ilaa Abdaal+Wasaarada Hawlaha Guud Iyo Guryaynta Oo Ku Fashilantay Inay Waxka Qabato Iyo Dareenka Darawaliinta
July 15, 2017 - Written by Reporter:

Hargeysa(W,N)july.15,2017-Wadada wayn ee isku xidha gobolada Maroodi-jeex,Saaxil iyo Togdheer ayaa inta u dhaxaysa magaalada Hargeysa ilaa deegmada Abdaal ee gobolka Saaxil ayaa waxa ka muuqda burbur iyo dayac tir la’aan baahsan.

Waxaana wadadaasi ka jira burbur laxaadle oo sababay inay godad waa wayni ka qodmaaan,kuwaas oo dhibaato badan ku haya darawaliinta gaadiidka wada iyo rakaabka saaran ba.

Inta u dhaxaysa magaalada Hargeysa iyo degmada Abdaal oo ka tirsan gobolka Saaxil oo aad u burbursan ayaa waxay sababtaa badanaa shilal khasaare kala duwan leh,kuwaas oo iskugu jira dhimasho, dhaawac iyo waliba mid hantiyeedba.

Wadadan burbursan ayaa dib loo casriyeeyey bilowgii xukuumada madaxwayne Siilaanyo,waxaana burburkan uu muujinaya tayo xumada iyo farsamo la’aan liidata oo markii hore lagu dhisay.

Markii wax laga waydiiyay darawaliinta gaadiidka wada ee iskaga kala goosha magaalooyinkaasi ayaa waxay sheegeen in shilalka ugu badan ee dhaca ay sababaan burburkan wadada ka muuqda,iyaga oo ka dhawaajiyey in shilalka ugu badan ay dhacaan kadib marka ay gaadiidku ay si kadis ah uga leexdaan haadkooda oo ay ku yaalaan godad boholo ah,taasina ay sababto in gaadiidka haadka kale marayaa uu ku dhaco gaadhigan haadkiisa sida kadiska ah uga soo baxa.

Waxaana darawaliin badan oo lagula kulamay deegaanka Lafaruug ee gobolka saaxil dhibka ay kala kulmaan wadadan burbursan,ayaa waxay iftiimiyeen in ay dhib badan ku hayso wadadani,sidoo kalena waxay qaarkood sheegeen in ay la kulmeen wasiirka hawlaha guud Cali Marreexaan oo ay kala hadleen dhismaha wadadani,balse ilaa hadda aan meel laga soo qaadin codsigoodii,Sidoo kalena darawaliinta ayaa waxay carrabka ku dhufteen mar la waydiiyay sababta ay wadadani u burburayso marka la dhiso in ay tahay in wadadan ay maraan gaadiid ka tan wayn dhulka oo ah badanaa kuwa Itoobiya rarka uga soo qaada dekeda Berbera.

Wasaaradda Hawlaha guud iyo guryeynta ayaa iyadu ilaa hadda aan waxba ka qaban dayaca iyo burburka laxaadka leh ee ka muuqda wadadan isku xidha magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera,waxaana wadadani ay sababtaa khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

COMMENTS
LINKS