“Berbera Kuleylku Wuxuu Marayaa 45 Biyo La,aantuna Meel Adag Bay Mareysaa Waxaanu Cabnaa Dhiiga Masuuliyiinta Xilka Haya” Rooda Axmed Yaasiin | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Berbera Kuleylku Wuxuu Marayaa 45 Biyo La,aantuna Meel Adag Bay Mareysaa Waxaanu Cabnaa Dhiiga Masuuliyiinta Xilka Haya” Rooda Axmed Yaasiin
July 29, 2017 - Written by Editor:

Berbera(WJN)-Magaala Xeebeeda Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil ayaa Biyo la,aan adagi soo Foodsaartey kadib markii ay Ciladi kutumid Qaar kamid ah Ceelasha Biyuhu uga Yimaadaan Magaalada oo laba dhinac ka yimaada kuwaas oo Cilad weyn oo Dhinaca farsamadi ahi lasoo Gudboonaatey.

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Saaxil u qaabilsaneyd Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Rooda Axmed Yaasiin ayaa si adag uga hadashey Biyo La.aanta Adag ee Magaalada Berbera ka jirtey Maalmahan u dambeeyay taas,oo saamayn adag ku yeelatey Xiliga Xagaaga iyo Hanfiga ee Maalmahan ka jirey Magaalada Berbera iyadoo si adag uga deyrisey Marxalada lagu jiro Xiligan adag iyo Biyo la.aanta soo Food saartey Magaalada Berbera taas oo markii u horeysay Taariikhda lagu arkey Magaalada Berbera oo Booyado Shacbiga u dhaaminayaan. Iyadoo arimaha ka hadleysa waxa ay tidhi

gudoomiyaha ucid barbera roda axmedyasiin

 

“Berbera Maanta Kuleylka Xagaagu Wuxu Marayaa 45^Degree Waxaana kasii daran oo u dheer Biyo la.aan aan Waligeed ka dhicin oo soo foodsaartey waxaanu cabnaa Dhiiga Ragga Xilalka ka haya Gobolka ma saasaad moodaa”Ayey tidhi.

Waxaanay intaa ku dartey hadalkeeda in Mushkilad ka ba.ani aaney jirin Marxalada Biyo La.aanta ee Maanta ka taagan Berbera iyadoo arimo badan oo kale ay ka tirsaneysay Xukuumada.

 

Geesta kale Magaala Xeebeeda Berbera Waxa Maalmihii u Dambeeyay isugu Biirey Biyo La,aan iyo Leydhka oo Wakhtiyada qaar ka Go,a Magaalada taas oo aan loo adkeysan karin Gudaha Magaalada inkastoo aaney danyartu wada Qabin isticmaalka Korontada ee qaboojiyayaasha haseyeeshee, ay Dhabarka uga jabeen biyo La.aanta halista ah

 

COMMENTS
LINKS