|
|||||
WAJAALE NEWS
Akhriso: Nuxurka Qoraal Ay Culumada Ehlu Suna Wal-jamaaca U Gudbiyeen Sadexda Gole Qaran, Xisbiyada Iyo Maxkamada Somaliland
July 3, 2017 - Written by Reporter:Hargaysa(W,N)-Culimada Ahlu Sunna Wal-jamaaca Ee Somaliland oo maalmihii ugu danbeeyey saluug xoogan ka muujiyey qaabkii Xukuumada Somaliland usoo xushay Gudida Culimada Somaliland oo ah Gole Dastuuriya oo ay tilmaameen in loo maray xulidiisa hanaan sharciyada iyo Dastuurka dalka u yaal baal marsan ayaa maalin-nimadii shalay waxa ay Sadexda Golle Qaran iyo Xisbiyada Somaliland iyo Maxkamada Sarre ee Dastuuriga ah u gud-biyeen Warqad qoraala oo ay kaga hadlaayeen arimo la xidhiidha Sharci-nimada Golan dhawaanta ay Xukuumadu ku dhawaaqday iyo sidoo kale Qodobo sharciya oo Xukuumadu jabisay markii ay soo xulaysay Gudidan Culimada ah oo sida ay sheegeen ay ku jiraan Xubno ka tirsan Kooxo Arga-gixiso ,iyo sidoo kale Xubno kamida Gudiyo Dastuuriya oo aan sharcigu u banaynayn in lagu daro Gudi labaad oo dastuuriya. Dhinaca kale Culimada Ahlu Sunna Wal-jamaaca Ee Somaliland ayaa waxa ay qoraalkan ay u gudbiyeen ku xuseen sida ay Gudidan lasoo xulay u baalmarsan tahay cadaalada iyo sinaanta Garsoorka, Culimada Ahlu Sunna Waljameeca ayaa waxa ay ku doodeen in Xukuumadu Gudidan u magacawday kooxda Wahaabiyada oo fikir ahaan aaminsan xagjirnimada ,isla markaasina aan aaminsanaynba Dawladnimada iyo Dastuurka Somaliland oo ay xuseen inay u arkaan gaalnimo, Culimada Ahlu Sunna Wal-jamaaca Ee Somaliland ayaa dhinaca kale ku dooday inay yihiin aqlabiyada Culimada Somaliland u badan isla markaasina ilaa taariikhdii soo jireenka ahayd ee dalka Somaliland ay iyagu ahaayeen kuwii usoo halgamay waqtiyadii kala duwanaa ee dalka ay qabsadeen gumaystayaashii kala duwanaa ee dalka soo maray ee ay ugu danbeeyeen Gumaystihii Ingriiska iyo Rajiimkii Siyaad Barre oo ay Sheegeen in taariikhdu Xustay doorkii ay ku laaheen Halgamadaas. Culimada Ahlu Sunna Wal-jamaaca Ee Somaliland ayaa gabagabadii waxa ay Golayaashii uu qoraalkoodu ku socday ka codsadeen inay dalka bad-baadiyaan khilaaf Diimeed iyo jaho wareer Diimeed oo arintani sababto. Liiska Magacyada Xubnaha Culimada Ahlu Sunna Wal-jamaaca Ee Qoraalkan ku Saxeexnaa
Related posts:Madaxwaynaha DDS Oo Safar Uu Ciidamada Ku Dhiiri Galinayo Ku Maraya Deegaanka Ay Alshabaab Soo Weera... “Somaliya Waxay Inagu Haysaa Kaanbayn, Meel Walba oo Aynu Istaagnana Waxay Rabaan Inay Raadkena Baab... Raysal-wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Oo Sheegay in Beesha Caalamku Soo Mariso Deeqaha loogu talo-Ga... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|