Adeegii Internet-ka Fiber Optic Ee Soomaaliya Oo Dib Hawda Ugu Soo Laabtay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Adeegii Internet-ka Fiber Optic Ee Soomaaliya Oo Dib Hawda Ugu Soo Laabtay
July 17, 2017 - Written by Reporter:

Muqdisho(W,N) –Waxaa dib hawada ugu soo laabtay adeegii Internet-ka Fibre Optic oo muddo ku dhawaad bil ka maqnaa gobollada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Internet-ka ay bixiyaan shirkadaha Isgaadhsiinta sida Somtel, Hormuud iyo Global ayaa goordhowayd dib ugu shaqeeyay dad badan oo uu ka maqnaa tan iyo 24-kii bishii hore.

Mid ka mid ah Shaqaalaha Shirkaddaha Isgaadhsiinta ayaa xaqiijiyay in uu dib u soo laabtay Internet-ka 4G iyo Internet-ka kale ee guryaha la geliyo ee Fiilada ah.

Baraha bulshada ayaa dad badan waxay soo dhigeen Hambalyo ku aadan in Internet-kii uu dib u soo laabtay.

Markab ku howlanaa cilad bixinta iyo sameynta xadhgihii Fibre Optic ee go’ay ayaa la sheegay in uu xalay soo afjaray saddex maalmood oo uu ku howlanaa.

Habeenkii ay taariikhda ku beegneyd 24 June ayaa Internet-ka ka go’ay Gobolada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, kaddib markii Markab ku soo xidhanayay Dekeda muqdisho la sheegay inuu jaray Xargihii Fibre Optic.

Semeynta ugu weyn maqnaashaha Internet-ka Fiber Optic waxaa laga darameey, guud ahaan hay’addaha, dowladda shirkaddaha gaarka loo leeyahay, kuwa Xawaalladaha iyo Warbaahinta oo si gaar ah arintan ay u saameysay.

Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay goor dhow war ka soo saarto Internet-ka hawada dib ugu soo laabtay.

2017717636358637535400793cropped-TL1_3935kkkkkk

Maqnaashaha Internetka ayaa la sheegay in laga dhaxlay khasaare dhan $ 10 million oo dollar maalintii, taasoo ka dhigay in mudadii uu hawada ka maqnaa la khasaaray lacag ku dhaw dhaw $ 200 oo million.

COMMENTS
LINKS