|
|||||
WAJAALE NEWS
Abaabulka Shir Dareeno Kala Duwan Abuuray Oo lagu Qabanayo Magaalada Gabiley + Wakhtiga Uu Furmayo Iyo Xubno Ka Mid ah Gudigii Hoodaale Oo Safka Hore Kaga jira Qaban Qaabada Shirkan!!
July 9, 2017 - Written by Editor:GABILEY (W,N) Dadwaynaha ku dhaqan magaalo madaxda gobolka Gabiley ee Gabiley ayaa caawa uun ku war helay abaabulka shir beeleed ay wadaan xubno ka mid ah gudigii Hoodaale ee beelaha Sacad Muuse ee khilaafkii iyo loolankii kulmiye hore u kala irdheeyay kaasi oo waqtigaas meesha ka saaray xubnihii ugu cuslaa gudidii Hoodaale ee lagu doortay shirkii degmada Agabar. Wararka aanu ka helayno abaabulka shirkan ayaa tibaaxaya in loogu talo galay in uu maalinta bari ah ka furmo magaalada Gabiley gaar ahaan hoolka jaamacada Timacade University, halkaasi oo xiligan ay ka socoto u diyaar gorowga shirkii iyo diyaarinta meelaha ay ergadu degayso. Shirkan loogu magac daray Hoodaale 2 ayaan ahayn mid xataa ay wax ka ogyihiin badi cuqaasha,Duubwaynta Iyo Gabihaanba bulshowaynta Ku dhaqan gobolka Gabiley marka laga reebo xubno kooban oo iyagu wata qorshahan lagu marin habaabinayo kaadh qaadashadii gobolka Gabilay, Sidoo kale xogaha aanu ka helayno shirkan ayaa intaa ku daray in ay xubnahan Hoodaale ee matalaya beelaha Sacad Muuse ee shirkan wadaa ay ujeedadoodu tahay sidii ay uga wada arinsan lahayeen xoojinta taageerida xisbiga Kulmiye iyo murashaxa xisbigaas Muuse Biixi iyadoo xiligan xisbigii ay ka dareereen badi xubnihii ugu cuslaa Beesha Sacad Muuse ‘ Dhanka kale shirkan ayaa shaki ku abuuray bulshada waynta gobolka Gabiley oo xiligan ku mashquulsanaa sidii ay dadwaynuhu u qaadan lahaayeen khaadhka codbixinta oo maalinta bari ah galay maalintii sedexaad waxaana xusid mudan in shirkani yahay mid hoos dhacwayn ku keenaya habsami u socodka in ay dadku qataan kaadhadhka maadamaa la doonayo in madax dhaqameedkii wacyigalinta ku jiray ay ka qaybgalaan shirkan taas oo dhabarjab wayn ku ah in si hagar la,aan ah bulashada reer Gabilay u qaataan kaadhadhka codbixiyaha. Duruufahan isdiidan ee ku xeeran shirkan loogu magac daray Hoodaale 2 oo qorshihiisa laga soo maleegay dhinaca magaalada Hargaysa isla markaasina abaabulka iyo dhaqaalaha ku baxaya uu leeyahay mid ka mid ah ganacsatada sida tooska ah u taageerta xisbiga Kulmiye ayaa waxa kale oo sas ka qaaday xukuumada dhexe taasi sida wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaadhay ay xusayaan in gabi ahaanba ciidamada boolisku udiideen in caawa ay taagaan boodhkii shirka iyagoo ku wargaliyay xubnihii abaabulayay shirkan in badi ciidamadii amnigu ay ku kala maqan yihiin sugida amniga goobaha ay ka socoto qaadashada kaadhka codbixiyuhu sidaa daraadeedna aanay suurtoobayn in xiligan ciidamo sugaan amaanka ergada shirkan iskugu imanaysa oo ay ka dhex muuqdaan xubno xilal ka haya xukuumada lafteeda, Si kastaba ha ahaatee gudigan Hoodaale ayaa majaro habaabiyay nidaamkii ama ujeedadii reerku ugu igmaday xilkan kaas oo ay ka dhigeen mid siyaasadaysan oo loogu shaqeeyo xisbiga Kulmiye taas oo dhabarjab ku ah hadafkii loo qabtay shirkii Hoodaale, waxaana xusid mudan I shirka waqtigan lala dultagay bulshada Gabilay uu daaaha dabadiisa ka hagayo gudoomiyaha xisbiga Kulmiye. Oo aan wali si cad loo hayan ujeedooyinka uu ka leeyahay iyo afariinta sida hoos loo farayo reer gabiley. Marka laga reebo guuldarooyinka siyaasadeed oo so foo saaray mudooyinkii udanbeeyay iyo sida loogu awooda sheegtay gobolga togdheer oo iyada lafteedu dareen culus abuurtay. WIXII KASOO KORDHA SHIRKAN KALA SOCO WAJAALENEWS SAACADAHA SOO SOCDA WAJAALENEWS DESK. GABILEY OFFICE
Related posts:“Waan Soo Dhawaynayaa In Farmaajo Cadeeyay In Ay Somaliland Ay Gooni Ka Tahay Somaliya” Siyaasi Axme... DAAWO;-Qaarkamid Ah Beeralayda Gobolka Gabiley Oo Cawday Cayayaano Dalagyadii Kaga Habsaday Iyo Fari... Xisbiga KULMIYE Waa Aafada Keliya Ee Ragaadisay Dimuqraadiyadii, Talladdiina Waxay U Gacan Gashay Xi... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|