19 Qof Oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Dalka Suuriya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
19 Qof Oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Dalka Suuriya
July 3, 2017 - Written by Reporter:

_96770804_bbf86be9-9f9f-47f6-a8a2-71f3fae15b6a (1)

Dimishiq,(W,N)-Qof miidaame ah ayaa isku qarxiyey caasimadda Suuriya waxaanay wararku sheegayaan in ugu yaraan 19 qof ku dhinteen weerarkaa.

Telefishanka dawladda ayaa sheegay in booliska Suuriya ay eryanayeen saddex baabuur oo looga shakisanaa in lagu soo rakibay walxaha qarxa oo isku dayey in ay galaan caasimadda.

Boolisku waxay joojiyeen oo qarxiyeen laba ka mid ah gawaadhidaa laakiin kii saddexaad ayaa dirawalkii waday wuxu geliyey Fagaaraha Taxriir oo ku yaal bariga magaalada waxaanu qarxiyey markii la hareereeyey.

Suuriya waxay weli ka socda dagaal sokeeye oo lix jirsaday, magaalada Dimishiq ee caasimadda ah inteeda badanina waxay ku jirtaa gacnta dawladda.

Waxa aanay wararku sheegayaan in ugu yaraan 12 qof oo kale ku dhaawacmeen qaraxaa dhacay Axaddii.

Telefishanka dawladdu wuxu sheegay in dadka weerarkaa soo qaaday ay u qorshaysnayd in ay qarxiyaan goobaha dadku iskugu yimaadaan maalintii shaqo ee ugu horraysay marka laga soo noqdo fasaxii ciidda ee ka dambeeyey dhamaadka bishii barakaysnayd ee Rabadaan.
“Qaraxaa argagixiso waxa ku dhintay oo ku dhaawacmay dhawr qof oo rayid ah, khasaare badan oo burbur ahna goobta wuu gaadhsiiyey” ayuu yidhi sarkaal boolis ah oo la hdlay wakaaladda wararka Sana.

Qof ka mid ah dadka magaalada degan ayaa isna wakaalada wararka AFP u sheegay “waxaan maqalnay rasaas dhacaysa saacaddu markii ay ahayd 06:00 galabnimo [saacadda Suuriya], ka dibna waxaa dhacay qarax oo waxa muraayadihii ka daateen daaqadihii guryaha goobta u dhawaa”.
Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay in ay fulisay weerarkaa.
In ka baan 300,000 oo qof ayaa ku naf waayey dagaalka Suuriya ee ka bilaabmay dibad baxyo lagaga soo horjeeday dawladda sannadkii 2011-kii.

Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ayaa sheegtay in ilaa iyo intii ay colaaddu bilaabantay ay ku dhawaad 5.5 milyan oo qof dalka ka qaxeen, 6.3 milyan oo kalena dalka gudihiisa ku baro kaceen.

COMMENTS
LINKS