16 Toban Qof Oo Ku Dhimatay Diyaarad Maraykanka Laga Leeyahay Oo Qaraxd | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
16 Toban Qof Oo Ku Dhimatay Diyaarad Maraykanka Laga Leeyahay Oo Qaraxd
July 11, 2017 - Written by Reporter:

Ugu yaraan 16 ruux ayaa dhimatay ka dib markii ay qaraxday diyaarad ay leeyihiin milatariga Maraykanka oo ku dhacday Mississippi.

Shilka diyaaradda ayaa ka dhacay deegaanka LeFlore oo 160 kiiloo mitir u jirta Jackson.

Dhamaan 16kii ruux ee saarnaa midkoodna kama badbaadin sida uu sheegay Fred Randle oo madax ka ah gurmadka degegga ah ee Leflore.

Gafernatooraha Missisippi Phil Bryant ayaa sheegay in dhacdadani ay masiibo tahay.

“Raga iyo Dumarka qalabka sida maalinkaste naftooda ayay khatar galiyaan si ay xoriyaddeena u ilaaliyaan” ayuu yidhi.

 

_96884451_cb917f8f-669f-4186-8439-93e4aacf0398

 

Ma jirin faahfaahin dhamaystiran oo durba laga bixiyay waxa dhaliyay shilkan.

 

COMMENTS
LINKS