Xubno Miisaan Leh Oo Kasoo Jeeda Beesha Subeer Awal Oo Lafilayo In Ay Ku Biiraan Xisbiga Wadani Iyo Kulan Hordhac U ah Oo Labada Dhinac Ku Dhexmaray Magaalada Hargaysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xubno Miisaan Leh Oo Kasoo Jeeda Beesha Subeer Awal Oo Lafilayo In Ay Ku Biiraan Xisbiga Wadani Iyo Kulan Hordhac U ah Oo Labada Dhinac Ku Dhexmaray Magaalada Hargaysa
June 30, 2017 - Written by Editor:

Hargaysa(Wajaalenews)todobaadyada inagu soo fool leh ayaa la saadaalinayaa in isbadalo siyaasadeed ka dhacaan Somaliland iyada oo fooreheeda laga dareemayo xisbiyada ku laacdamaya kursiga xiligan uu ku fadhiyo madaxwayne Silaanyo,waxaana la filayaa in siyaasiinta dalku gaar ahaan inta dibad meerka ah ay kukala biiraan xisbiyada qaranka kuwaas oo inta badan laga dheegto guusha qaybka ah ee doorashada madaxtooyada.

Hadaba waxa maalinkii shalay magaalada Hargaysa kulan ku dhexmaray gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadani C/raxmaan maxamed C/laahi Ciro iyo masuuliyiin miisaan leh oo ka soo jeeda gobolka Maroodijeex oo ay ka mid ahaayeen Abiib Diiriye Nuur(Abiib Timo Cad)iyo Ismaaciil Aaden Cismaan (ismaaciil Yare)oo labaduba hore xilal culus uga soo qabtay xukuumadihii kala danbeeyay,waloow kulankani ahaa mid ka dhashay madal meher ah oo ka dhacday Hotel Green Plaza ee magaalada Hargaysa,hadana waxa muuqatay in xodxodashadu ahayd mid aan daahsaarnayn balse wali ma cada kulankan xamxamta ah ee dhexmaray labadan dhinac balse xubnahan ayaa hadii uu hantiyo xisbiga mucaaradka ah ee Wadani wax wayn u tari doonta laxaadka uu xiligan ku taagan yahay xisbiga Wadani.

Si kastaba ha ahaatee dabaylo siyaasadeed ayaa la filayaa inay todobaadyadan ka dhacdo Somaliland kuwaas oo sida lafilayo dhexmari doona xisbiyada ugu tunka wayn axsaabta qaranka kuwaas oo ay gundhig u noqon doonto xidigo xisbi ka baxa iyo xidigo ku biira oo ku xidhan shaxda siyaasdeed ee xisbi kastaa ka ciyaaro godka Irmaanta ee xisbi kastaa ku kasban karo taageerayaashiisa

 

COMMENTS
LINKS