Xogo kashifay 17 Guri Oo ku yaal Xaafada Shacabka Hargaysa Oo ay Xaraashayso Xukuumada Wakhtigeedii Dhamaaday Ee Madaxwayne Siilaanyo + Dadka ku Jira Oo Loo Digay!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xogo kashifay 17 Guri Oo ku yaal Xaafada Shacabka Hargaysa Oo ay Xaraashayso Xukuumada Wakhtigeedii Dhamaaday Ee Madaxwayne Siilaanyo + Dadka ku Jira Oo Loo Digay!!
June 2, 2017 - Written by Editor:

Hargaysa(W,N)-Ilo xogogaal ah oo ka agdhaw aqalka madaxtooyada iyo wasaarada hawlaha guud iyo guriyaynta Somaliland ayaa ka shifay in todobaadyada inagu soo fool leh ay xukuumadu qorshasay in alaabta dibada loo dhigo dadka danyarta ah ee kujira 17 guri oo ka mid ah guryaha dawlada ee ku yaala xaafada shacabka ee magaalada Hargaysa,waxaanay guryahani ka mid yihiin meelaha danta guud ee ugu qaalisan magaalada Hargaysa kuwaasi oo xukuumadu damacsan tahay in ay carabka sii mariso mudada yar ee uga hadhsan mudo xileedka ay hore ugu kordhiyeen golaha guurtidu xukuumada.

CALI MAREEXAN

Guryahan ay xukuumadu xaraashaso ayaa ay xogahani tibaaxayaan in ay ka mid yihiin gurigii uu gali jiray gudoomiyihii hore ee bangiga Somaliland C/raxmaan Ducaale,qaar ka mid ah guryaha ku teedsan hotelka Lake Asal ee xaafada Shacabka iyo guryo kale oo ka mid xaafada shacabka.

 

Waxaana dhamaantood ilahani tibaaxayaan in wasiir Cali Mareexaan waysada u soo biyaystay sidii uu jeebka ugu shuban lahaa hantidan danta guud ee ay ku nool yihiin dadka danyarta ah isaga oo qorsheeyay in khaawisaad aan buurnayn uu iskaga jeedin doono dadkaas danyarta ah oo xiligan aan awood u lahayn in ay iska caabiyaan dulmiga uu ku hayo wasiirka hawlaha guud waxaanay sheegeen dadkani in digniin adag uu duldhigay wasiirka hawlaha guud kuna goodiyay in alaabta dibada loo dhigi doono cidii ayidi wayda dalabkooga.

Si kastaba ha ahaatee hantidan shacabka ee hantida guud ah ayaanay ku jirin guryaha shacabka ee dawlada oo ay guryahooga ka galaan Gudoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Gaal oo haysta guriga ugu wayn xaafada shacabka iyo sidoo kale madaxwaynaha xiligan Axmed Silaanyo Maxamuud xaashi, Muuse Biixi  ayaa ka mid ah raga haysta guryaha ugu waawayn balse dadka danyarta ah ayaa noqday dadka inta badan ay ku ciiraan masuuliyiinta dawlada iyaga oo raacaya danahooga shaqsi.

 

WARIYE XAMSE JIRDE

HARGEISA SOMALILAND

COMMENTS
LINKS