Xiisad Colaadeed Oo Laga Cabsi Qabo In Ay Mar Kale Ka Qaraxdo Degmada Ceel-Afwayn Iyo Deegaano Hoos Yimaada | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xiisad Colaadeed Oo Laga Cabsi Qabo In Ay Mar Kale Ka Qaraxdo Degmada Ceel-Afwayn Iyo Deegaano Hoos Yimaada
June 26, 2017 - Written by Reporter:

Hargeysa(Wajaalenews)-Waxaa  laga cabsi qabaa in mar kale ay xiisad colaadeed ka qaraxdo degmada Ceel-afwayn iyo deegaano hoos yimaada oo dhawaan ay dirir nabadaynteeda la wadaa ku dhex martay labada beelood oo walaalo ah oo wada dega deegaanadaasi.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in jawiga degmada Ceel-afwayn is badalay isla markaana laga cabsi qabo in mar kale ay degmada Ceel-afwayn iyo deegaano ay Beelahani ood wadaagta ku yihiin uu ka qarxo dagaal beeleed u dhaxeeya  labadan beelood oo iyagu hore dirir khasaare badan sababtay ay dhex martay isla markaana go’aamo xukuumaddu kasoo saartay balse aan wali qaarkood hirgalin.

Magaalada Ceel-afwayn ayaa dad kala duwan oo ku sugani waxay noo sheegeen in labadii cisho ee u danbeeyey si aada loogu soo daabulayey ciidamada Qaranka Somaliland iyo ciidamada Booliska kuwaas oo sugaya amaanka magaalada isla markaana heegan culus ku jira,waxaana sidoo kale ciidamo la geeyey deegaano kale oo ka tirsan degmada Ceel-afwayn oo ay labadan beelood ood wadaag ku yihiin.

Xukuumadda Somaliland ayaa dirirtan dhex martay labadan beelood ee walaalaha ah waxay kasoo saartay go’aamo adag,kuwaas oo qaarkood ay hirgaleen qaarna aanay wali hirgalin isla markaana laga cabsi qabo in ay mar kale sababto dirir dhex marta labadan Beelood.

Xaaladda degmada Ceel-afwayn iyo deegaanada hoos yimaada ayaan ilaa hadda waxba ka dhicin oo caadi ah wallow sansaanka iyo jawigu is badalay

 

COMMENTS
LINKS