Xanuunka Daacuunka Oo Ka Dilaacay Dalka Yemen | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xanuunka Daacuunka Oo Ka Dilaacay Dalka Yemen
June 25, 2017 - Written by Reporter:

Sanca,(Wajaalenews)-QM ayaa sheegeysa in tirada kiisaska loga shakisan yahay cudurka daacuunka ee dalka Yemen ay kor u dhaaftay labo boqol oo kun.

War ka soo baxay ururka caafimaadka adduunka ee WHO iyo hay’adda carruurta ee UNICEF ayaa lagu sheegay in dalku uu wajahayo xaaladda daacuunkii ugu xumaa ee dunida soo mara.’

Labadan hay’adood ee Qaramada Midoobay ayaa sheegaya in ay si weyn ula tacaalayaan joojinta xanuunka daacuunka ee ka dillaacay Yemen, kaasi oo si xowli ah u faafaya.

Caruurrta ayuu aad u saameeyay daacuunka ka dilaacay dalka Yemen

Hay’addaha ayaa ku howlan ka jawaab celinta daacuunka, waxaana shaqaalaha gurmadka la geeyay dhammaan xaafadaha, iyaga oo ku wacyigalinaya dadka sidii ay isaga ilaalin lahayaayeen xanuunka sida iyaga oo ku dadaalaya nadaafada keydsadaana biyo nadiif ah.

Balse kooxaha gurmadka siinaya dadka ayaa wajahaya caqabada waa weyn. Laba sano oo dagaal sokeeye uu ka soconayo Yaman ayaa dagaaladu waxa ay burburiyeen goobaha adeega caafimaadka iyo hanaanka fayadhowrka ee dalkaasi.

_96630721_6483d4c0-f803-419c-8aa5-9d5615bb9cb9

Cuno yari ba’an oo ka jirta Yemen ayaa sababtay nafaqa darro, ka dhigtay dadka Yaman gaar ahaan caruurta kuwa u nugul cudur kasta. Inka badan saddex boqol oo qof ayaa ilaa iyo haatan u dhimatay xanuunka daacuunka.

COMMENTS
LINKS