Waxay 11 Milion Oo Riyaal Ku Maalgelisay Inan ay Guur ka doonayso | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waxay 11 Milion Oo Riyaal Ku Maalgelisay Inan ay Guur ka doonayso
June 4, 2017 - Written by Editor:

Al-Bayan(W,N) ) Booliska Dalka imaaraatka ayaa su’aalo weydiinaya inan u dhalatay Gobolka Khaliijka carabta oo lacag ka badan 11 Milion oo Riyaal ku kharash garaysay inan iyada ka yar 7 sanadood oo u ballanqaaday guur ay ka dalbatay, inkastoo uu inankaasi xaas leeyahay xiligan.

Baadhitaankii ay illaa hadda Boolisku sameeyeen waxaa lagu ogaaday inay lacagtaa ku maalgelisay inankaa iyo walaalkii oo lacagta qaarkeed daymo lagu lahaa kaga bixisay qaar kalena ugu iibisay gawaadhida qaaliga ah, sidoo kalena ay ka bixisay tikidho ay ugu safreen Dalalka reer yurub, hadiyado qaali ahna ay u soo iibisay.

khaliijiyah

Inantan oo xisaabiye ka ah qayb ka mid ah hay’adaha Dawlada imaaraatka ayaa la sheegay inay dhaqaale faro badan ku heshay dariiqooyin aan sharci ahayn sida ay baahisay jariirada Al-Bayan ee Dalka Imaaraatku Sabtidii shalay.

Inantani waxay booliska u qiratay qaabkii lacagahani ku soo galeen oo ahaa mid khaldan, waxana ay difaacday lacagta ay ku maalgelisay inanka ay is jecel yihiin, iyadoo sheegtay in aanay kala bakhaylaynin hantida qof ay jeceshahay oo nafteeda u hibaynayso.

Hussein Kurdi

xogtadunida.com

COMMENTS
LINKS