Wax ka Barro Dalka Qadar | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wax ka Barro Dalka Qadar
June 20, 2017 - Written by Editor:

Dalka Qadar waa dal Carbeed oo ku yaala Galbeedka Qaarada Asia (Aasiya) gaar ahaan Bariga Jasiirad la mooda Carabta, Waxa uu xaduud dhuleed oo lagu qiyaasay 87 Kilo-Mitir la wadagaa dalka Sucuudiga oo kaliya, waxa kale oo uu xuduud badeed la wadaagaa Baxreyn iyo Imaaraadka Carabta, Waxa ku hareeraysan Gacan biyoodka Carabta iyo gacanka Qadar.

Tirada Dadka wadanka Qadar Waxa lagu qiyaasaa 2,258,283 Milyan oo qof, kuwaasoo boqolkiiba 11.6 ay yihiin muwaadiniinta Dalka u dhashay halka boqolkiiba 88.4 ay yihiin ajaanib.

Dalka Qadar waxaa uu ku fadhiyaa dhul bedkiisa lagu qiyaasay 11,586 kilo-mitir oo laba jibaaran.

Afka rasmiga ah ee dalka lagaga hadlaa waa Afka Carabiga, waxa kale oo laga isticmaalaa Af Ingiriisi.

waxaana uu dalku madaxbanaanidiisa ka qaatay guumaystihii Ingiriiska sanadkii 1971.

Diinta dalka Qadar boqolkiiba 67.7 waa Muslimiin boqolkiiba 13.8 waa kiristaan, halka boqolkiiba 3.1 ay aaminsan yihiin Buddhisti.

Caasimada dalku waa Doxa oo sidoo kalena ah magaalada ugu weyn dalka waa magaalo aad u dhisan, waa xarunta ay ku shaqayso Xukuumadda sidoo kale waxa ay saldhig u tahay Hay’addo caalami ah iyo xarunta warbaahinta Tv-yada Al-Jazeera.

Inkasta oo uu dalka Qadar ku jiro nidaam boqortooyo oo talada dalku ka go’do Amiirka, haddana waxaa dalka ka jira dawlad leh barlamaan iyo gole xukumadeed.

QADAR

Dhaqaalaha: Saliida (Shidaalka) iyo Naqaska Dabeeciga ah ( Natural Gas) waa ilaha ugu waawayn dhaqaalaha Dalka Qadar, iyadoo ah Dalka saddexaad ee uu ku duugan yahay Naqaska dabeeciga ah ee uugu badan Aduunka, waana dalka 2aad ee dhoofiya xadiga ugu badan ee Naqaska Dabeeciga ah.

sidoo kale Qadar waa dalka 13aad ee uu ku jiro shidaalka qaydhin ee ugu badan Caalamka, waana dalka 11aad ee dhoofiya xaddiga ugu badan shidaalka ama saliida.

Haddaba dhaqalaha dalkani waxa uu si laxaad leh ugu tiirsan yahay dhinaca Warshadaha waxaana ka soo xarooda dhaqaale wax soo saarka Dalka (GDP) uga dhigma boqolkiiba 51.1.

– Dhinaca Adeegyada ( Services), waxa ka soo xarooda dhaqaale u dhigma boqolkiiba 48.8, Beeraha oo ah meelaha ugu liita waxa ka soo xarooda dhaqaale u dhigma 0.1 oo kaliya.

Wax soo saarka dalkan waxaa lagu qiyaasaa Sanadkii 2016- kii ilaa 334.5 Bilyan oo Dollar.

Muwaadinka Reer Qadar Celcelis ahaan waxa sanadkii usoo Xarooda dakhli dhan 129,700 oo Dollar, waana dalka aduunka ugu dakhli qofeedka badan.

Ma jiraan Dad Qadariyaan ah oo ku nool nolol hoose, waana dalka ay ka jirto caalamka shaqo la’aanta ugu yari.

Halka uu sicir bararku uu kal hore marayey boqolkiiba 3.8

COMMENTS
LINKS