Wasiirka Arrimaha Dibada D.Jabuuti Oo Ka Hadlay Aragtida Dalkiisa Ee Saldhiga Milateri Ee Imaaraadka Carabta Laga Siiyey Berbera | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Arrimaha Dibada D.Jabuuti Oo Ka Hadlay Aragtida Dalkiisa Ee Saldhiga Milateri Ee Imaaraadka Carabta Laga Siiyey Berbera
June 7, 2017 - Written by Reporter:

Hargeysa(Wajaalenews)-Wasiirka arrimaha dibada Djabuuti Maxamed Cali Yuusuf ayaa ka hadlay aragtida Djabuuti ee saldhiga Milateri ee Imaaraadka Carabta laga siiyey magaalada Berbera ee Jamhuuriyada Somaliland.
Wasiir Maxamed oo u waramay warbaahinta dalka Itoobiya waxa la waydiiyey aragtida dawladiisa Jabuuti ee saldhiga Imaaraadka Carabta ee Berbera ee Somaliland ah iyo magaalada Casab ee Ereteriya,waxaana uu wasiirku sheegay inay ogolaanshaha saldhigyadaasi u taalo Somaliland iyo Ereteriya,balse ay hadana DJabuuti dareen feejignaan ah ku eegayso ,waxyaalaha lagu qaban doono saldhigyadaasi.

wasiirka oo mararka qaarkood dafiraya dalka Somaliland Berberana ku tilmaamay inay Somaliya tahay wuxuu sheegay in ay saldhigyadaas soo dhawaynayaan hadii loo isticmaalayo arrimo u dan ah dalalka gobolka,waxaanu wasiir Maxamed Cali Yuusuf yidhi.

“Waxaad sheegtay saldhiga Imaaraadka Carabta ee Somaliland iyo Ereteriya.Wadamadan Somaliland) iyo Ereteriya waxay qaadan karaan go’aan ay qaran ahaan u madax banaan yihiin inay aqbalaan ama diidaan sidii ay Djabuuti yeeshay markii ay wadamo waydiisteen inaanu saldhigyo siin karno,laakiin waxaanu aad uga feejignaanahay waxa weeye qorshaha joogitaanka ciidamadaas qalabka sida,hadii qorshuhu yahay in lala dagaalamo Budhcad badeeda iyo Argagixisada oo xuduudahayaga badeed iyo dhuleed nabad laga dhigayo iyada loo danaynayo wadamada gobolka,markaas waa iska caadi ,laakiin haday jiraan qorshayaal kale ma garan karo markaas waana inaanu yeelanaa taxadir iyo feejignaan.Dabcan wadamo badan ayaan jeclayn ciidamada Shisheeye ee dalkayaga jooga,laakiin waxaan leenahay joogitaanka ciidamadaas waxaysida AMISOM oo kale leeyihiin awoodo aad u cad oo u dhaxeeya wadanka ay joogaan,waana wax kooban oo waxay ka shaqaynayaan amaanka iyo nabadgaliyada”sidaas ayuu yidhi wasiirka Arrimaha dibada Jabuuti Maxamed Cali Yuusuf.

 

COMMENTS
LINKS