Wasiir Goordhawayd U Geeriyooday Dhaawac Kasoo Gaadhay Qaraxii Maanta Ka Dhacay Muqdisho | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiir Goordhawayd U Geeriyooday Dhaawac Kasoo Gaadhay Qaraxii Maanta Ka Dhacay Muqdisho
June 22, 2017 - Written by Reporter:

Muqdisho(Wajaalenews) –Wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha dowlad goboleedka Jubaland Sheekh Max’ed Max’uud Aw.libaax ayaa goordhawayd Cisbitalka Digfeer ee haatan loo yaqaan Cisbitalka Recep Tayyeb Erdogan ee magaalada Muqdisho ugu geeriyooday dhaawac kasoo gaadhay qaraxii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaadhay madaxa, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen madaxda dowlad goboleedka Jubaland.

Madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee Jubaland Max’uud Sayid Aadan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wasirku geeriyooday, isagoo tacsi u diray dhammaan dadkii u ka baxay, sheegayna in ay aad uga naxeen geerida wasiirka.

Waxa uu sheegay in loo baahanyahay in hal meel looga soo jeesto kooxaha geeysanaya qaraxyada.

 

 

COMMENTS
LINKS