Warar Dheeraad ah Oo Ka Soo Baxaya Deegaanka Galgala Oo Xalay Dagaal Culus Ku Dhex Maray Kooxda Alshabaab Iyo Ciidamada Maaul Goboleedka Puntland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Warar Dheeraad ah Oo Ka Soo Baxaya Deegaanka Galgala Oo Xalay Dagaal Culus Ku Dhex Maray Kooxda Alshabaab Iyo Ciidamada Maaul Goboleedka Puntland
June 8, 2017 - Written by Editor:

Khamiis, June, 08, 2017 (Wajaalenews)-Kooxo loo malaynayo in ay ka tirsan-yihiin ururka Al-shabaab ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday saldhig ay ciidamada Puntland ku leeyihiin deegaanka Gal-gala oo sanado ka hor laga saaray xooga-ga Al-shabaab.

Dagaalkan oo aan khasaarihiisa si rasmi ah loo ogaan karin ayaa la sheegay in uu hadda si goos goos ah uga socdo deegaanka ,waxaana goobta uu ka dhacay lagu magacaabaa Af urur waana deegaan kayn ah oo ay timirtu ka badan-tahay.

Taliyaha  Guud ee ciidamada Puntland  Gen. Siciid dheere iyo saraakiil ciidan oo uu hogaaminayo ayaa la sheegay in ay gaareen goobta si ciidamo dheeraad ah loogu kordhiyo ciidamada dagaalka ku jira.

Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in 50 meeyo qof oo labada dhinac ka kala tirsan ay dagaalkan ku geeriyoodeen ,kaasi oo socday muddo dhowr saacadood ah ,xiligii saxuurta kadib sida ay sheegayaan xogo hoose oo laga helay goobta dagaalka.

Deegaanka uu dagaalku ka dhacay ayaa 10 km u jirta deegaanka Ceel-daahir oo 90 km u jirta magaalada Bosasoo ee xarunta gobolka Bari ,waxaana dagaalkan uu noqonaya kii ugu horeeyay oo labada dhinac dhex-mara tan iyo markii la galay bisha barakaysan ee Ramadan.

Ugu danbayn ,Puntland ayaa dagaal adag kala kulmaysa kooxaha Al-shabaab iyo Daacish oo fariisimo ku leh gobolka , xili dhawaanahan ay socdeeen howl-galo ka dhan ah  kooxahaas oo laga fulinyay deegaanada Puntland.

Source:Hiiraan Online

 

COMMENTS
LINKS