WAR Deg-Deg Ah: Roobab Xoogan Oo Ka Da’ay Magaaladda Tog-Wajaale Iyo Khasaare Uu Gaystay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
WAR Deg-Deg Ah: Roobab Xoogan Oo Ka Da’ay Magaaladda Tog-Wajaale Iyo Khasaare Uu Gaystay
June 17, 2017 - Written by Reporter:

Tog-Wajaale,(Wajaalenews)-War Deg-Deg ah:  Roob Xoogan oo ka da’ya magaalo ganacsiyeed tog-wajaale ayaa gaystay khasaare naf iyo maalba leh waxaana ay wararku intaa ku darayaan in uu roobkani xidhay isku socodkaa dadka iyo baaruubta waxa kale oo jira in roobabkan ka da’ay magaaladda tog-wajaale iyo deegaano ku xeerani ay wateen dhagaxaan iyo waliba dabayl xoogan taas oo sababtay in jingadihii saarna guryahu ay ka qaado dabaysho . waxaana jira dhaawac Iyo Dhimasho ka soo gaadhay dad iyagu marayay wadada oo ay ku dhacday jingadii ay dabaysho waday. waxaana dhawaca dadkaas la geeyay cisbitaalka weyn ee magaaladda tog-wajaale Waxaana La Ii xaqiijiyay in ay dhimashadu ay tahay hal qof, waxaana ilaa hadda magaaladda ka maqan adeegii korontadda waxaana dhamaan istaagay isku socodkii waxaana kale oo la ogsoonyahay in khasaruhu uu intaa ka badanyahay.

Waxaa kale oo khasaare gaadhsiiyay saldhigii loo dhisayay ciidanka dab-damiska

 

Kala Soco Wixii Warar Ah Ee Ka Soo Kordha Isha Ku hay shabakada wajaalenews.net

 

 

deg deg

COMMENTS
LINKS