War Deg Deg Ah; Madaxwayne Siilaanyo Hada Magacaabis & Isku Badel Ku sameeyay Golihiisa Xukuumada Iyo Agaasimayaasha Guud Oo Uu Seefta La Dhex Qaaday, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg Deg Ah; Madaxwayne Siilaanyo Hada Magacaabis & Isku Badel Ku sameeyay Golihiisa Xukuumada Iyo Agaasimayaasha Guud Oo Uu Seefta La Dhex Qaaday,
June 15, 2017 - Written by Editor:

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu caawa digreeto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-4891/062017 uu ku magacaabay la-taliye madaxweyne, isagoo isku bedelna ku sameeyey qaar ka mid ah agaasimeyaasha guud ee wasaaraddaha dalka.

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay:   Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:      Ahmiyadda ay La-taliyeyaasha Madaxweynuhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:   In baahi loo qabo magacaabidda jagada La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Gaashaandhigga;

Markuu Ka Fiirsaday:  Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay:     In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Maxamed Aadan Saqadhi Maxamuud (Dabagale), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Gaashaandhigga (Bedel hore hoggaanka hawlgelinta Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland).

Isku bedelka Agaasimeyaasha Guud

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay:   Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:      Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:   In baahi loo qabo magacaabidda jagooyinka Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaraddaha Waxbarashada & Tacliinta Sare, Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta iyo Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta

Markuu La Tashaday:  Madaxda ay khusayso;

Markuu Ka Fiirsaday:  Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

Markuu Ku Qancay:     In ay hanan karaan xilalkan;

Wuxuu go’aansaday

  1. In Mudane, Axmed Abokor Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland (Bedel hore Warfaafinta iyo wacyigelinta).
  2. In Mudane, Cabdi Cali Jaamac, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Jamhuuriyadda Somaliland (Bedel hore Waxbarashada iyo Tacliinta Sare).
  3. In Mudane, Hassan Cumar Hoorri, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Jamhuuriyadda Somaliland (Bedel hore Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta).

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cigse(Deyr)

Afhayeenka Madaxtooyada JSL,

COMMENTS
LINKS