Waftigii Khaatumo Ee Cali Khaliif Galaydh Hogaaminayay Oo Gaadhay Magaalada Widh-widh Ee Gobolka Sool | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waftigii Khaatumo Ee Cali Khaliif Galaydh Hogaaminayay Oo Gaadhay Magaalada Widh-widh Ee Gobolka Sool
June 23, 2017 - Written by Reporter:

Hargeysa(Wajaalenews)-Waftigii ka socday kooxda Khaatumo ee maalmihii u danbeeyey ku sugnaa magaalada Hargeysa isla markaana ahaa waftigii ka qayb galay heshiiska ay kala saxeedeen dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo ayaa xalay ka guureeyey magaalada Hargeysa.

Waftigan oo tiradoodu dhamayd dhawr iyo toban xubnood isla markaana uu hogaaminayey horjoogaha Kooxda Khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh ayaa waxay goordhawayd gaadheen magaalada Widh-widh oo ka tirsan gobolka Sool.

Waftigan oo iskugu jiray wasiiro,wasiiro ku xigeeno iyo xildhibaano ka tirsan kooxda Khaatumo ayaa la sheegay in lagu soo dhaweeyey magaalada Widh-widh ee gobolka Sool.

Waxaana ay waftigan kala ahaayeen,Horjoogaha kooxda Khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh Gudooniyaha Barlamaanka kooxda Khaatumo Maxameud Sheekh Cumar, Wasiirka Amniga Keyse Cabdi Yusuf, Wasiirka Amuuraha Khaarajiga Shabac, Wasiirka Warfaafinta Axmed Xaaji Cali, Wasiirka Caafimadka Dhag buro,wasiiro ku xigeeno,xildhibaano iyo siyaasiyiin ka tirsan kooxdaasi Khaatumo,waxana ay goor dhawayd gaadheen Widh-widh.

Sidoo kalena wararka naga soo gaadhaya magaalada Widh-widh ayaa waxay sheegayaan in xubno ka mid ah waftigaasi ay u dhaqaaqeen dhankaa iyo magaalada Buuhoodle oo maalmihii u danbeeyey xiisad ka taagneyd isla markaana ay maamulka Puntland ka wadaan abaabulka ciidamo maleeshiyaad ah oo kasoo horjeesta heshiiskan ay kala saxeexdeen dawlada Somaliland iyo kooxda Khaatumo.

Waftigan ayaa laga yaabaa inay saacadaha soo socda Warbaahinta la hadlaan kana waramaan guulaha kasoo dhashay socdaalkoodii ay ku tageen Hargeysa iyo nuxurka heshiiska ay kala saxeexdeen dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo.

COMMENTS
LINKS