Wafdi Uu Horkacayay Wasiiru-dowlaha Arimaha Dibada Qatar Oo maanta Soo Gaadhay Magaalada Muqdisho | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wafdi Uu Horkacayay Wasiiru-dowlaha Arimaha Dibada Qatar Oo maanta Soo Gaadhay Magaalada Muqdisho
June 11, 2017 - Written by Reporter:

Muqdisho(Wajaalenews) – Waxaa magaalada Muqdisho maanta soo gaadhay wafdi sare oo ka socday dawladda Qatar kaasi oo madaxda dawladda Soomaaliya la kulmay.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in wafdiga Qatar uu hoggaaminayo wasiiru dowlaha Arirma dibedda Suldaan Bin Sacad Al-Muraykhi waxaana la sheegayaa in uu la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaaraha Xasan Cali Khayre.

Toddobaadkii horena waxaa magaalada Muqdisho tagay sida laga soo xigtay ilo muhiim ah wafdi ka socday dowladda Sacuudiga sida laga soo xigtay safiirka dowladda Soomaaliya ee Sacuudiga Daahir Max’uud Geelle.

Ma jiro wax faah faahin ah oo dhinaca dowladda ka soo baxaya oo ka hadlaya wafdiga maanta soo gaadhay magaalada Muqdisho.

Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dhaxdhaxaad ka tahay khilaafka u dhexeeya labada dawladood, waxayna ku baaqday in nabadgelyo lagu dhammeeeyo khilaafadka.

Hasse ahaatee waxaa muuqata in ay hadda  wajaheyso xaalad u eg labo daran mid dooro, iyada oo cadaadis ba’an kala kulmeysa dowladda Sacuudiga oo siweyn uga xumaatay go’aanka dowladda Soomaaliya

COMMENTS
LINKS