UEFA Oo Samaysay isku Aadka Isreeb Reebka Kowaad Iyo Labaad Champions Leaque-ga | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
UEFA Oo Samaysay isku Aadka Isreeb Reebka Kowaad Iyo Labaad Champions Leaque-ga
June 20, 2017 - Written by Reporter:

Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa soo saaray isku aadka kulamada isreeb reebka kowaad iyo labaad ee Champions Leaque-ga. Waxaa marka hore wareega kowaad ee isreeb reebka Champions Leaque-ga ku tartamaya 10 kooxood kuwaas oo shan ka mid ahi ay ka soo bixi doonaan wareega kowaad ee isreeb reebkan.

Waxa uu isku aadka maanta la sameeyay furitaan u yahay dariiqa loo marayo magaalada Kyiv ee dalka Ukraine halkaas oo uu xili ciyaareedka cusub ka dhici doono finalka Champion Leaque-gu waxayna kooxaha isku aadka loo sameeyay iyo waliba kuwo kale oo dhexda kaga soo biiri doonaa ay u dagaalamayaan sidii ay ugu horayn u soo gaadhi lahayeen heerka groupyada.

Waxaana sidoo kale la soo saaray isku aadka wareega labaad ee isreeb reebka Champions Leaque-ga waxayna ka kooban yihiin 3 group iyada oo shanta kooxood ee ka soo baxa wareega kowaad ay markale qayb ka noqon doonaan wareega labaad ee isreeb reebka Champions Leaque-ga ka hor inta aan la soogaadhin kulamada wareega saddexaad ee Play-offka loogu soo bixi doono heerka groupyada Champions Leaque-ga.

Kooxaha Ku Jira Isku Aadka Wareega Kowaad Ee Isreeb Reebka Champions Leaque

Víkingur (FRO) v Trepça ’89 (KOS)
Hibernians (MLT) v FCI Tallinn (EST)
Alashkert (ARM) v FC Santa Coloma (AND)
The New Saints (WAL) v Europa (GIB)
Linfield (NIR) v La Fiorita (SMR)

Kulamada wareega kowaad ee isreeb reebka Champions Leaque-ga waxaa la ciyaari doonaa 27/28 June & 4/5 July waxayna shanta kooxood ka soo gudba wareega kowaad ay qayb ka noqon doonaan wareega labaad ee isna la sameeyay isku aadkiisa.

Kooxaha Ku Jira Isku Aadka Wareega Labaad Ee Isreeb Reebka Champions Leaque

Group 1
APOEL (CYP) v Dudelange (LUX)
Žalgiris (LTU) v Ludogorets Razgrad (BUL)
Qarabağ (AZE) v Samtredia (GEO)
Partizan (SRB) v Budućnost Podgorica (MNE)
Hibernians (MLT) ama FCI Tallinn (EST) v Salzburg (AUT)

Group 2
Sheriff (MDA) v Kukës (ALB)
Astana (KAZ) v Spartaks Jūrmala (LVA)
BATE Borisov (BLR) v Alashkert (ARM) ama FC Santa Coloma (AND)
Žilina (SVK) v København (DEN)
Hapoel Beer-Sheva (ISR) v Budapest Honvéd (HUN)
Rijeka (CRO) v The New Saints (WAL) ama Europa (GIB)

Group 3
Malmö (SWE) v Vardar (MKD)
Zrinjski (BIH) v Maribor (SVN)
Dundalk (IRL) v Rosenborg (NOR)
FH Hafnarfjördur (ISL) v Víkingur (FRO) ama Trepça ’89 (KOS)
Linfield (NIR) or La Fiorita (SMR) v Celtic (SCO)
IFK Mariehamn (FIN) v Legia Warszawa (POL)

Kulamada wareega labaad ee isreeb reebka Champions Leaque-ga waxaa la ciyaari doonaa 11/12 & 18/19 July iyada oo kooxaha kulamadan ka soo baxaa ay hal talaabo u jirsan doonaan in ay qayb ka noqdaan heerka groupyada Champions Leaque-ga xili ciyaareedka cusub ee 2018.

Marka ay soo dhamaadaan kulamada wareega labaad ee isreeb reebka Champions Leaque-gu waxaa la samayn doonaa isku aadka wareega saddexaad iyada oo dagaal loogu jiro 10 boos oo ka banaan 32 ka kooxood ee uu ka kooban yahay tartanka Champions Leaque-ga heerkiisa groupyadu waxaana xili danbe isreeb reebkan dhinac ka soo gali doona kooxo ay ka mid yihiin Liverpool, Sevilla, Napoli, Ajax iyo kooxo waa wayn oo kale.

Qaabka Uu Noqon Doono Jadwalka Champions Leaque-ga Ee Ka Horeeya Isku Aadka Heerka Groupyada:

14/07/17: Isku Aadka isreeb reebka saddexaad ee Champions Leaque

18–19/07/17: Kulamada lugta labaad ee isreeb reebka labaad ee Champions Leaque

25–26/07/17: Kulamada lugta hore ee isreeb reebka saddexaad ee Champions Leaque
01–02/08/17: Kulamada lugta labaad ee isreeb reebka saddexaad ee Champions Leaque

04/08/17: Isku Aadka Wareega Play-off-ka

15–16/08/17: Kulamada lugta hore ee wareega Play-off-ka

22–23/08/17: Kulamada lugta labaad ee wareega Play-off-ka

Kooxaha Iyagu Sida Tooska Ah Ugu Soo Baxay Heerka Groupyada Champions Leaque-ga Ee Booskooda Haddaba Sii Haysta:

SPAIN: Real Madrid, Barcelona, Atlético Madrid

GERMANY: Bayern München, RB Leipzig, Borussia Dortmund

ENGLAND: Chelsea, Tottenham Hotspur, Manchester City, Manchester United,

ITALY: Juventus, AS Roma

PORTUGAL: Benfica, Porto

FRANCE: Monaco, Paris Saint-Germain

RUSSIA: Spartak Moskva

UKRAINE: Shakhtar Donetsk
BELGIUM: Anderlecht

TURKI: BESIKTAS

SWITZERLAND: BASEL

COMMENTS
LINKS