|
|||||
WAJAALE NEWS
Talyaaniga Oo Dekedihiisa Ka Mamnuucay Muhaajiriinta Ku Soo Qulquleysa
June 29, 2017 - Written by Reporter:Roma,(W,N) –Dowladda Talyaaniga ayaa sheegtay in ay u diidi doonto Maraakiibta dalalka shisheeye leeyihiin in ay ku dejiyaan dekedihiisa dadka muhaajiriinta ah. Waxaa la rumaysanyahay in afartii cisho ee la soo dhaafay dad tiradoodu gaadhayso 10,000 oo qof isku soo miidaamiyeen safar ay badda kaga gudbayaan oo ay kaga soo kicitimeen Woqooyiga Afrika. In ka badan 73,000 oo muhaajiriin ah ayaa sannadkan gaadhay dalka Talyaaniga, taas oo ah tiro ka badan boqolkiiba 14 tirada sannadkii hore gaadhay. Qiyaastii 2000 oo qof ayaa ku dhintay ama la la’yahay oo loo malaynayaa in ay ku qarraqmeen badda, hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga yaa iyaduna sheegtay in dadka badda isku biimaynaya badankoodu ka dhoofaan dalka Liibiya. Liibiya ayaa noqotay marinka ay Yurub u maraan muhaajiriinta ka yimaad dalalka ka hooseeya saxaraha Afrika, Bangladesh iyo dalal ka mid ah jasiirad la moodda Carabta oo ay ka mid yihiin Masar iyo Suuriya.
Related posts:Shirguddoonka Golaha Guurtida Oo U Holaday Hakinta Dooda Qaran iyo Madaxtooyada Oo La Sheegay In Lag... DAAWO;-Dadwayne Ka Cabanaya Cadaalada Daro Ay Kala Kulmeen Garsoorka Somaliland Oo Sheegay In Ay Isk... DAAWO;-Siyaasi Ramaax Oo Sheegay In Xaalada Berbera Ka Jirta Xiligan Ay Tahay Mid La Dagaalamo. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|