Taariikh: Real Madrid Oo Markii 12aad Ku Guulaysatay Koobka Champions League-ga. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Taariikh: Real Madrid Oo Markii 12aad Ku Guulaysatay Koobka Champions League-ga.
June 3, 2017 - Written by Editor:

Real Madrid ayaa markii 12 aad ku guulaysatay koobka Champions Leaque-ga kadib markii ay 4:1 kaga badisay  Juventus kulankii magaalada Cardiff ka dhacay wuxuuna Zidane abuuray taariikh cusub oo ay ku soo fashilmeen tababaryaal ka khibrad badan isla markaana wakhti dheer ku soo dhex jiray maamulida kubbada cagta.

leeg1

Ugu horayn Zinedine Zidane ayaa noqday macalinkii ugu horeeyay awooday in uu kooxdiisa ka caawiyay in ay laba xili ciyaareed oo xidhiidh ah ay ku guulaysato koobka Champions Leaque-ga tan iyo markii horaantii sagaashamaadkii qabaka uu yahay ay UEFA udhigtay tartankan wuxuuna sidoo kale noqday macalinkii labaad ee guud ahaan tartanka kooxaha Yurub difaacday tan iyo Arrigo Sacchi oo AC Milan sidan oo kale ka soo sameeyay 1989 & 1990 kii.

Laakiin markale Zidane ayaa taariikh u sameeyay kooxdiisa wuxuuna noqday macalinkii ugu horeeyay ee muddo 59 sanadood ah ka caawiyay in ay hal xili ciyaareed ku wada guulaysato koobabka Champions Leaque-ga iyo waliba horyaalka La Ligaha.

leeg2
Xili ciyaareedkii 1957/58 kii ayay ahayd markii ugu danbaysay ee ay Real Madrid ku soo wada guulaysatay labada koob ee La Ligaha iyo Champions Leaque-ga tan iyo wixii markaas ka danbeeyayna waxa uu macalin kasta oo Madrid soo qabtay uu ku fashilmay in uu gaadho taariikhda uu macalinka reer France caawa gaadhay.

Zidane ayaa muddo kooban taariikho badan ku abuuray wuxuuna Real Madrid kula soo guulaystay shan koob taas oo la micno ah in 103 dii maalmoodba uu koob ku soo guulaysanayay, waxaana koobabka uu ku soo guulaysan karay ka maqan Copa Del Rey iyo Spanish Super Cupka oo ay horaanta xili ciyaareedka cusub wada ciyaari doonaan Barcelona.

leega

 

Zidane Zidane ayaa saxeexi doona heshiis cusub oo uu Real Madrid ku sii joogi doono isaga abaal marin wayn ka heli doona Florentino Perez oo si wayn ugu faraxsan wax qabadka layaabka leh ee uu ka helay Zidane inkasta oo maalintii uu u dhiibay loo arkayay in ay noqonayso shaqo ku meel gaadh ah.

Zidane ayaa Real Madrid soo maamulay 87 kulan wuxuuna la soo guulaystay 65 kulan oo ka mid ah halka 7 guuldaro oo kaliya ay Los Blancos soo gaadhay muddadii xili ciyaareedka iyo badhka ahayd ee uu soo tababbarayay wuxuuna kula soo guulaysatay 5 koob. Heerka guulaha Zidane ayaa ah boqolkiiba 74.7%.

Wariye: Xamse Jirde Axmed

Wajaalenews.net
Hargaysa Offic

 

COMMENTS
LINKS