|
|||||
WAJAALE NEWS
Sicir Bararkii Dalka Ka Taagnaa Oo Xadhkaha Goostay + Sarifkii Lacagta Qalaad Oo Gaadhay Halkii Ugu Saraysay Gaadhay Iyo Xukuumada Oo Ku Fashilantay Waxka Qabashada Sicir Bararka
June 18, 2017 - Written by Reporter:Hargeysa(Wajaalenews)-Iyada oo mudooyinkii u danbeeyeyba uu dalka guud ahaanba ka taagnaa Sicir barar baahsan oo aafeeyey bulshada dan yarta ah ayaa waxa uu noqday sicir bararkaasi maalmihii u danbeeyey mid xadhkaha goostay oo la maarayn kari waayey. Maanta oo Axad ah bishuna ay tahay 18-June-2017 laguna guda jiro Tobankii danbe ee Bisha Barakaysan ee Ramadan isla markaana ay kaabiga soo saaran tahay maalinkii Ciidal Fidriga ayaa waxa uu saaka sarrifka lacagta Qalaad ee Dollarku uu gaadhay halkii ugu saraysay Abid. Waxaana suuqyada caasimada Hargeysa maanta uu sarrifka Halka Dollar (1$) uu marayaa qadar lacaga oo dhan 9600 SLSH (Sagaal Kun Iyo Lix Boqol Oo Shilling Somaliland ah),waxaana uu gaadhay halkii ugu saraysay abid ee aanu gaadhin tan iyo intii uu sicir bararku dalka ka taagnaa. Sarrifka lacagtan qalaad ee saaka cirka isku shareertay ayaa waxay saamayn xoogan ku yeelatay bulshaduu dan yarta ahayd ee aan tahli karayn inay wax ku iibsadaan,waxaana sidoo kalena isna Halka Dollar (1$) lagaa qaadayaa markaa aad Kaash sidato ee aad Dollar doonayso qadar lacaga oo dhan 10,500 SLSH ( Toban kun iyo Shan Boqol oo Shilling Somaliland ah) oo aanay tahli karayn dadka Dan yarta ah inay wax ku iibsadaan isla markaana ay bixiyaan qadarka lacaga ee intaa leeg. Sidoo kalena saaka waxa hal mar kacay iyaguna maceeshaddii Qutul daruuriga ahayd ee dadku iibsanayeen,iyada oo mid kastena lacag dheeri ah lagu daray,waxaana ay arrinkan Sicir bararka ee saaka cirka isku shareeray ay Amakaag iyo Af kala qaad ku ridey bulshadii dan yarta ahayd ee awalba uu saameeyey Sicir bararkan dalka ka taagan ee xalka loo waayey Gababadiina bulshada Somaliland ayaa aad isku waydiinaya sababaha ay xukuumaddu u tahli kari wayday ugana Cago jiidayso inay wax ka qabato Sicir bararkan dhibka iyo Oofwareenka ku noqday Bulshada dan yarta ah.Ilaa hada se lama garanayo halka uu sal dhigan doono Sicir bararkaasi dalka ka taagan. Related posts:Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo ka Qaybgalay Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Marxuum Maxamed Xaas... DAAWO;-Xiisaha Ku Lamaanaa Ciyaartii Galabta Dhexmartay Gobolada Saaxil Iyo Sanaag+Masuuliyiin Si Xa... DAAWO;-Madaxwaynaha Jsl Iyo Nuxurka Khudbad Uu Ka Jeediyay Xadhiga Ka Jarka Dekeda Cusub Ee Berbera. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|