|
|||||
WAJAALE NEWS
Shirkada Diyaaradaha Qatar Airways Oo Shaacisay Inay Sii Wadi Doonaan Adeegsiga Hawada Somaliland
June 13, 2017 - Written by Reporter:Doha (Wajaalenews)- Shirkada diyaaradaha ee Qatar Airways ayaa sheegtay in ay sii wadi doonaan adeegsiga hawda Somaliland iyo ta Imaaraadka Carabta iyo dalka Baxrayn oo ay xiligani isticmaalayaan waxaanay sheegeen in aanay shirkadu joojin duulimaadyadii ay ku mari jirtay dalka Imaaraadka Carabta sidaasina ay ku sii duuli doonto hawada Somaliland, shirkada Qatar Airways iyada oo daba socota hadalo ka soo yeedhay Somaliland oo sheegaaya in ayna cid ogolaansho ka haysani dalkooda dul mari karin, oo ayna isticmaali karin hawada Somaliland. Shirka duulimaadyada ee Qatar Airways ayaa adeegsanaysa xeerka caalamiga ee duulimaadyada diyaaradaha rayidka ah in ay si nabadgalyo ah u mari karaan dalalka caalmka ee saxeexay heshiiskii caalamiga ahaa ee ICAO- ee la gaadhay 19964 ee ka qabsoomay dalka Maraykanka, heshiiskaasi isga ah xiligaasi waxa diiday dalka Sucuudiga hase ahaatee dalalka Khaliijka iyo Somaliya xiligaasi waxa ay saxeexeen heshiiskaasi in wax kasta oo yimaada iyo xaalad kasta oo soo korodha ay diyaaradaha rakaabku ay hawada u adeegsan karaan sida caadiga ah Waxana heshiiskaasi u suurto galiyay dalka Qatar in ay sidii caadiga ahayd ay u isticmaalaan hawada dalka Imaaraadka iyo Baxrayn oo xidhiidhka u jaray, heshiiskaasi waxa uu u ogolaanayaa in diyaaradaha rakaabka ee Qarat Airways ay ku soo degi karaan madaarada dalkaasi, hadii ay diyaaradahooda mid ka mid ahi ay ku timaado ciladi ama ay u baahato shiidaal, sidoo kale madaarada Somaliland ayaay ku soo degi karaan hadii ay u baahdaan oo ay ku timaado cilad deg deg ahi ama ay u baahdaan shiidaal. Xukmadda Somaliland ayaa todobaadkani sheegtay in hawadeeda u ogolayn cid aan ogolaanshiiyo ka haysan, taasi oo daba socotay taageerda ay Somaliland u hayso ama la garab istaagtay xulafada ka soo hor jeeda dalka Qatar ee uu hogaaminaayo dalka Sucuudigu. Related posts:“Madaxweynaha Waxaan Leeyahay, Arrintu Meel Aanay Gaadhsiisnayn Haddaad Gaadhsiisaan Waa Fool Xumo”S... DAAWO: Wafti Uu Hogaaminayo Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Oo Gaadhay Magaalada Burco Ee Xarunta... Wasiirka Hore Ee Arrimaha DIbadda Somaliland Ayaa loo Magacaabay Danjire sharafeed Arrimaha Raashink... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|