|
|||||
WAJAALE NEWS
Sacuudiga Oo Shuruud Ku Xidhay La Heshiinta Dalka Qadar
June 17, 2017 - Written by Reporter:Dowlada Sacuudiga ayaa markale ku edeesay dalka Qadar inay taageerto argagixisada, sidoo kalena ay faragelin ku sameyso arrimaha wadamada kale. Mar uu la hadlayay BBC-da ayaa wasiirka arrimaha dibadda ee Sacuudiga Adel al-Jubeir, waxaa uu sheegay in dalkiisa uu san wax heshiis ah la geli doonin dalka Qadar ilaa iyo inta ay ka bedelayaan siyaasadooda. Dowladaha Masar, Baxreyn iyo dalka Imaraatka ayaa iyaguna hore u sheegay inay xidhiidhka u jareen dalka Qadar, kaddib markii ay ku eedeyeen in dalkaasi uu taageero argagixisada, balse dowlada Qadar ayaa beenisay eedeymahaasi, waxaana ay sheegtay in xayiraadaha lagu soo rogay dalkeeda uu xadgudub ku yahay qawaaniinta caalamiga. Xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain, Boris Johnson ayaa ku booriyay dalalka deriska la ah Qatar inay fududeyaan xannibaada ay saaren dalka Qatar. Sidoo kale dalka Iran ayaa dalka Qadar u diray diyaarado sida cunno. Shirkadda diyaaradaha qaran ee Iran ayaa sheegtay in shan diyaaradood oo sida cunno iyo khudaar ay u duuleen dalka Qadar. Related posts:Madaxweynaha Jsl Oo Kaga Qayb-galay Xafladda Qalin-jebinta Dufcadii 17aad Ee Jaamacadda Camuud Ka B... DAAWO;-Siyaasi Maxamed Cabdi Oo Madaxwayne Biixi Ugu Baaqay In Uu Dib U Eegis Ku Sameeyo Hogaanka Xi... DAAWO ; Cabdicasiis Samaale Si Adag Uga Hadlay Shirka Xisbiga Kulmiye kuna Tilmaamay Mid Wax Is... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|