Sacuudiga Oo Gacanta Ku Dhigay Askar Iiraaniyiin Ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sacuudiga Oo Gacanta Ku Dhigay Askar Iiraaniyiin Ah
June 19, 2017 - Written by Reporter:

_96556531_12d09a0a-f4f6-4966-8099-1d138edd7343

Hargaysa(Wajaalenews)-Wasaarada Warfaafinta Sacuudiga ayaa sheegtay in la xidhay sadax askari oo ka tirsan ilaalada kacaanka Iiraan.Askartan la xidhay ayaa lagu qabtay iyagoo u soo dhowaaday biyaha dalka Sacuudiga gaar ahaan ceelka saliida ee Marjan.

Sacuudiga waxaa uu intaasi raaciyay in ragan la qabtay ay damacsanaayeen inay falal gaystaan.Waxayna wateen doon la sheegay inay ku soo dhowaatay ceelka shidaalka ee Marjan,

Waxaa sidoo kale baxsatay doon kale oo la sheegay inay la socotay midna la qabtay.Balse dowladda Iiraan ayaa sheegaysay in doomahan la qabtay ay ahaayeen kuwo kaluumaysi ah.

Waxaa jirra khilaaf xoogan oo u dhaxeeya labadan dowladood ee Iiraan Sacuudiga.

COMMENTS
LINKS