Raadraaca Sooyaalka 26-Ka Juun Iyo 18-Ka May Ee Somaliland Waxa Uu Koobayaa Taariikh Duug Ah Oo Ka Soo Bilaabmay: | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Raadraaca Sooyaalka 26-Ka Juun Iyo 18-Ka May Ee Somaliland Waxa Uu Koobayaa Taariikh Duug Ah Oo Ka Soo Bilaabmay:
June 18, 2017 - Written by Reporter:

Taariikhdii Somaliland ee ka hor soo gelitsaanka gumaysigaØ  Soo Geliddii Gumaysiga iyo Halgankii Xornimo-doonka Somaliland,Ø  Xornimadii Somaliland ee 26-kii Juun 1960-kii,Ø  Israacii Labadii Waddan ee Somaliland iyo Soomaaliya ee 1960-kii ,Ø  Inqilaabkii Dhicisoobey ee Midnimada ka dib iyo Diidmadii Aftida Distoorka,Ø  Afgambigii Milatari ee Kacaankii Maxamed Siyaad Barre,Ø  Halgankii Ururkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed ee SNM,Ø  Dibu Dhalashadii Somaliland ee 1991 iyoØ  Hanaqaadka Dawladihii Kala Dambeeyay ee Somaliland 1991 – 2015.Ø

Ugu dambayntii taxanaha buuggani wuxuu ku soo afmeermayaa xaaladihii siyaasadeed ee Somaliland ka aloosnaa badhtamihii sannadkii 2015.

Arrinta Siyaasadeed ee ugu weyn ee xilligan taagnaa ayaa ahayd dibudhacii doorashooyinka xukuumadda iyo goleyaasha Barlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada) oo muran siyaasadeed ka dhex abuurey xukuumadda, goleyaasha sharci dejinta iyo asxaabta qaranka.

Qaybta 1-aad: Taariikhdu waynoo musbaax maanka caawimo’e -Adoo male gudaayaad yaqiin marar ku gaadhaaye -Makaankaaga waa inaad taqaan melbawaxa yaal!xaaji aaadan axmed xasan (afqallooc) “ummad aan taariikh sugan lahayni waa ummad aan jiritaan sugan lahayn”! 18-ka May waxay ku suntan tahay: ka guurka himiladii is-raac ee Hargeysa iyo Muqdisho iyo ka-hadh-galka raad-goobkii midnimada Soomaaliweyn, waxa aanay u taagaan tahay: dibudhalashada iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

24 guuradeedii ayaynu u dabbaaldegaynaa. 18-ka May cir-ka-soo-dhac suke ah oo kelideed meel taagan ma aha. Isirro taariikheed iyo abtirsi awoowayaal hore leh ayaa sinjiga iyo sawraca jiritaankeedu ka soo jeedaa.Waa sooyaal xidhiidh fog la leh oo shafka ku haya jiritaanka ummadda Somaliland ku dhaqan min bariga shishe gobolka Sanaag (Ceelaayo) iyo galbeedka Awdal iyo Salal (Lawyocado), iyo inta ka dhax leh.

 

Dhowaan uun bay ahayd kolkii la daahfuray godad-taariikheedka Laasgeel (Hargeysa iyo Berbera u dhaxaysa). Khuburada degel-baadhku, waxa ay 2002-dii ka tibaax bixiyeen waxyaalaha fanka iyo farshaxanka ah ee dhagxaanta sula’ la qoray ka soo jeeda ee Laasgeel laga helay uu tirsi-taariikheedkeedu ku eeg yahay 8,000 – 10,000 sannadood. Tagtadaas guunka ah ayay 18-ka May afka saaraysaa oo minjaheedu ka soo jeedaan.

 

Dadkeennu xoolo-raacato ayuu ahaa la guurguura gedgeddoonka cilmilada iyo waayaha nololeed kufaa-kacyadiisa. Dhaqankeenna hadlaaga oday-ka-sheekeega ahi, waxa uu isku raacsan yahay in xagga badda iyo Maakhir Coast-ta gobolka Sanaag laga soo degel kacay sannado hore oo oogada sare loo soo hayaamayey, taas oo raadadkeedu weli sii muuqdaan

 

Aragtiyo kale oo ajanebi badani isla oggol yihiin na waxa ay hoosta ka xarriiqayaan in dadka Soomaalidu iyaga oo ka mid isirka Reer Xaam, Nebi Nuuxna ku abtirsadaa ay ka soo hayaameen buuralayda Kawkaasiya ee waqooyiga Iiraan iyo Mesobataamiyada Ciraaq gu’yaal aad fog. 3 Baadhitaannada taariikheed ee laga soo dheegtay waxyaalaha ubucda dhulka laga qodaa, waxa ay muujinayaan in xeebaha dhulkeenna la degganaa oo ooshu fadhiday ilaa xilliyadii bilowga ahaa ee taariikhda aadanaha inta la hayo.Waxa kale oo la hayaa raadad iyo muuqaallo kale oo ka soo jeeda casrigii Dhagaxa

 

Raadadka ugu faca weyn ee la hayaa waxa ay ka soo maaxayaan ilo-taariikheedka dunida ugu da’da weyn ee Faraaciintii Masaarida. Xeebaha waqooyi iyo bariga badda cas ayay Faraaciintu la lahaayeen ganacsi ku taxmaya waxyaalaha udugga ah ee fooxa iyo beeyadu ka midka yihiin. Waxaana geyigaas ay ugu yeedhi jireen “Dhulkii Udugga” ama “Ilaahyada” ama “Awoowayaasha” iwm.

 

Finniiqiyiintii Reer Shaam, Yuhuuddii Bariga Dhexe iyo Hunuudda, ayaa xilliyo dambe xidhiidh baayacalmushteri iyana Soomaalida la yeeshay. Ilbaxnimooyinkii Giriigga iyo Roomaanka, ayaa laftoodu degaannadeenna ku soo dacal-dhebayey laga soo bilaabo xilligii Alaxender.Waxa dhigaallo ammuurtaas ka hadlaya laga heli karaa Tusihii Gacan-qabsiga Badda Eritrea oo la qoray sannadkii 40-kii, Buuggaasi waxa uu dadka xeebahaas ku nool ugu yeedhayaa Berberi.

Xilliyadii dhexe iyo soo ifbixii diinta Islaamka iyo fiditaankeedii ayaa raadad badan laga hayaa.Culimadii Carbeed ee diinta fidinaysay, ayaa maamulladii ugu horreeyey ka yagleelay magaalooyinka xeebaha ku yaalla Saylac (Awdal), Berbera (Saaxil) iyo Bullaxaar.Ilaa qarnigii 15aad, suldaanno Carbeed ama suldaanno Carabta ku xidhan, ayaa arlada ka talinayey. Qarnigii 16 aad, Boortaqiiska oo Boqortooyadii Abasiiniya foodsaaro ka dhiganaya ayaa gobolka Geeska Afrika soo galay, jebiyeyna kacdoonkii Islaamiga ahaa ee Axmed Ibraahim Alqaasimi (Axmed Gurey).

 

 

W/Q:  Maxamed Baashe Xaaji Xasan

 

W/Xigtay : mukhtaar maxamed muuse ( maarshaal)

 

COMMENTS
LINKS