Qurba Joog ( Diaspora) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qurba Joog ( Diaspora)
June 29, 2017 - Written by Reporter:

Qofku waxa uu qorba jog noqdaa marka dalkiisii ay ka dhacaan ,dagaalo sokeeye, cabudhis dhinac hadalkaa iyo siyaasadaa, markaa qofkaasi waxa loogu yeedhaa qaxooti ( refugee ) amab  mid dalbaday nabadgalyo siyaasadeed(political sylam   )     kuwaas oo dib udejin loo sameeyo, lagana taageero sidii ay ula qabsan lahaayeen nolasha ka jirta dalalkaas ay u qaxeen ,

Iminkuun maha waligeedba dadwaynaha aduunku dalba dalbuu u qaxayeey , dadka qaxaana waxay dalalka ay tageen la tagaan firfircooni iyo, in ay dalalkaas wax ku kordhiyaan , dhinac dhaqaalaha iyo farsamadaba , hadab somaalidu waa dadka ugu liita ee dalalkii ay u qaxeen la tagay ,tayo xumo.dhinac aqoontaa,dhinac baayacmushtarigaa, iyo dhinac farsamadaa, ee mashaqaystayaashaa , ee luqmada yare ee  loo tuurayo uun ku habsaama ,

Dalalka si aadkaa ugu hore maray qurba jooga  waxaa ka mid ah israa-iil  iyo hindiya , kuwaas oo ka faa iiday dadkoodii ku dhaqnaa dalalka dibada, inagana  inagan laftirkeena waxaa ay dad badani ku tiirsan yahiin lacgta yare e aan badnayn ee ay soo xawilaan qurba jooga reer Somaliland ,waxayna qayb ka qaataan in dalka ay soo gasho lacag adagi ( hard currency ) oo qayb ka qaadata horumarka dalka ,

Laakiin waxaa magacii qurba jooga dilay markii madaxwaynaha Somaliland muhiimada siiyey in golahiisa wasiirada uu ka soo buuxiyo qurbo joog , oo  markay dibada joogeen aan wax shaqo ah iyo wax horumarkaleba ah aan ku hami jirin, oo lacagtaa yare e iyaga iyo caruurtiisa la siiyo ku qabsan jiray islaamaha , ayaa maanta  ayaa maanta ay uga bilatay somalialnd , waxay soo kordhiyaan daaye intii yarad ee ay musuqmaasuqeen ayey u  xawilaan bangiyo  dibadaa,

Waxaanan la yaabay ,markii aan maqlay in nin ka tirsan xukumada madaxwayne axmed maxmed , in uu galaaftay   wiil uu u seedi  u yaahay ,  oo xaaskiisu  usoo diri jirtay  100$ doller bishii oo biil ah ,taas oo ahayd  in uu isagu  lacag 20000$ dollar uu xaaskiisa u  diray,  xaaskiisiina iyaduna  ay walaalkeed ka jartay biilkii yaraa, sababtoo ah , waxay walaalkeed ku soo tidhi , waar shaqayso  dolarka aanu raadinaynaaba hargaysa ayuu yaalaa,” naa walaalo maxaa dhacay! maxaa dhacay baad naleedahay , sowka hebel lacag inaga isoo diray ma ah.

Hadaba  madaxwaynah  maxamed axmed siilayo   waxaa dilay dhaxalkiisii  iyo waxii uu qabtayba  qurojoog( diaspara), waxayna dowladiisu  shaqaysay intii  uu xirsi wasiirka madaxtooyada uu ahaa , isla  markaana waxa uu musuqmaasuqu faraha ka baxay markii uu ka tagay madaxtooyada xirsi ,  sida ay wax u boobayaan waxaad moodaa diir , waayo,  maanta waxaa qasnada dowlada ka maqan lacag lagu qiyaasi karo 110,million ,xataa aan laga rajo qabin in lagu soo celiyo, waayo , wasiirkasta oo la bedelaa  waxa uu ku wareejiyaa ka bedelaaya bushqad waraaqaa  bes. Waxaaba laga yaabaa in marka uu maqlo in la bedelay in uu hore ka qaato  waxii qasnada wasaarada ku jira, waayo wax uu ogyahay in aan cidina ka daba tagayn,

Gabo gabdii

Qurbojoogu  , waa kuwo horumarkeena ee  ma ha kuwo diirta dalkooda, waxaanad moodaa in ay usoo shaqo tageen, oo ay ka yaacayaan,qurba joogu waa in aanay raadin nidaamyada dalka ay  qoxootinimada ku joogaan ,ee ay eegaan  xaalada dalk ku dhacay ceel  madow oo ceelalyo  u tuurtay waadaan amaba dowlis  si ay uga soosaaraan, markaa dal dib u soo abuurmaya ayaa aynu rabnaa in uu staago, ee qurbo joog ,naga daaya weerka, iyo hanti urursiga, waxii dalka wax loogu qaban lahaa hadii jeebkiina ku dhaco ,sow masiibo ma ah, isla yaaba,

By: khadar adam aw muuse

 

COMMENTS
LINKS