Qatar Oo Bilawday Inay Cuno Kala Soo Degto Dekeda Dalka Cumaan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qatar Oo Bilawday Inay Cuno Kala Soo Degto Dekeda Dalka Cumaan
June 13, 2017 - Written by Reporter:

Doha,(Wajaalenewa)-Dowlada Qatar ayaa sheegtay in haatan ay bilowday inay cunno ka keensato dalka Cumaan si ay u hareer marto xayiraadda ay kusoo rogeen qaar kamid ah wadamada khaliijka.
Maareeyaha dekedaha Qatar ayaa sheegay in toddobaadkiiba sedex mar ay cunno ka kala soo degi doonaan dekedda Sohar ee dalka Cumaan.

Arrintan ayaa ka dambeysay kaddib markii dalka Sacuudiga oo ah halka ugu badan ee laga keeno cunnada laga isticmaalo dalka Qatar uu xidhiidhka u jareen dowlada dalkaasi.


Dekeda Salalah ee dalka Cumaan
Dowladaha Masar, Baxreyn iyo dalka Imaraatka ayaa iyaguna toddobaadkii hore sheegay inay xidhiidhka u jareen dalka Qatar, kaddib markii ay ku eedeyeen in dalkaasi uu taageero argagixisada, balse dowlada Qatar ayaa beenisay eedeymahaasi, waxaana ay sheegtay in xayiraadaha lagu soo rogay dalkeeda uu xadgudub ku yahay qawaaniinta caalamiga.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain, Boris Johnson ayaa ku booriyay dalalka deriska la ah Qatar inay fududeyaan xannibaada ay saaren dalka Qatar.

_96456547_a7485722-aa8d-4fae-862e-53bcbee0ae14 _96456544_d06ff5d4-bb9e-45a5-9941-77536f66e666Sidoo kale dalka Iran ayaa dalka Qatar u diray diyaarado sida cunno.
Shirkadda diyaaradaha qaran ee Iran ayaa sheegtay in shan diyaaradood oo sida cunno iyo khudaar ay u duuleen dalka Qatar.

COMMENTS
LINKS