|
|||||
WAJAALE NEWS
Qarax Lala Beeegsaday Ciidamada milatariga Sacuudiga
June 12, 2017 - Written by Reporter:QATIF(Wajaalenews)-Hal askari oo milatariga sucuudiga ka tirsan ayaa dhintay laba kalana dhaawac ayaa ka soo gaadhay qarax ka dhacay gobolka Qatif ee bariga dalka Sacuudi Carabiya. Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay in bam uu ku qarxay gawaadhi ay wateen askarta roondada samaysa oo marayay deegaanka Masoura oo ka tirsan gobolka al-Awamiyah. War qoraal ah oo ay wasaaraddu soo saartay ayay ku sheegtay in dhacdadaasi ay tahay mid argagixiso. Rabshado ayaa wakhtiyadii dambe ka jiray gobolka Qatif oo ay ku badan yihiin Shiico. Guud ahaan dalka Sacuudigase waxaa aqlabiyad ah dadka Suniyiinta ah. Qarax kale oo gaadhi loo adeegsaday ayaa ka dhacay isla Qatif labadii bishan lixaad. Muuqaalkan hoos ka muuqda waa qarixii baabuurka loo adeegsaday ee horaantii bishan ka dhacay Qatif Related posts:“Aragtiyaha Cali Khaliif Iyo Axmed Ismaciil Waan La Haystaa, Xataa Haday Ka Cadhaysiiyaan Kuwa Aan M... DAAWO; Xildhibaan Mustafe Sayid Oo Maayarka Gabiley Ku Eedeeyay In Uu Ku Kacay Musuq-Maasuq Baahsan ... Gudoomiyaha Degmada Gacan libaax Oo Xadhig Sharci Daro ah Kula Kacay Gudoomiyaha Dhalinyarada Xaafad... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|