Qarax Lala Beeegsaday Ciidamada milatariga Sacuudiga | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qarax Lala Beeegsaday Ciidamada milatariga Sacuudiga
June 12, 2017 - Written by Reporter:

QATIF(Wajaalenews)-Hal askari oo milatariga sucuudiga ka tirsan ayaa dhintay laba kalana dhaawac ayaa ka soo gaadhay qarax ka dhacay gobolka Qatif ee bariga dalka Sacuudi Carabiya.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay in bam uu ku qarxay gawaadhi ay wateen askarta roondada samaysa oo marayay deegaanka Masoura oo ka tirsan gobolka al-Awamiyah.

War qoraal ah oo ay wasaaraddu soo saartay ayay ku sheegtay in dhacdadaasi ay tahay mid argagixiso.

Rabshado ayaa wakhtiyadii dambe ka jiray gobolka Qatif oo ay ku badan yihiin Shiico.

Guud ahaan dalka Sacuudigase waxaa aqlabiyad ah dadka Suniyiinta ah.

Qarax kale oo gaadhi loo adeegsaday ayaa ka dhacay isla Qatif labadii bishan lixaad.

Muuqaalkan hoos ka muuqda waa qarixii baabuurka loo adeegsaday ee horaantii bishan ka dhacay Qatif

COMMENTS
LINKS