|
|||||
WAJAALE NEWS
Prof: Ismaaciil Hure Buubaa Oo Maanta Dalka Ka Dhoofay
June 9, 2017 - Written by Reporter:Hargaysa(wajaalenews)-Prof Ismaaciil Hurre Buubaa oo kamid ah saraakiisha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI isla markaana ay dhawaan xukuumadda Somaliland ka hor istaagtay inuu madaarka Hargeysa ka dhoofo ayaa maanta dalka ka dhoofay. Prof Buubaa ayaa u socdaalay dalka Kenya gaar ahaana caasimada Kenya ee Nairobi,safarka Prof Buubaa oo ahaa mid gaar ah isla markaana ay xogo rasmi ah laga hayn safarkiisa ayaa waxa uu saaka ka dhoofay madaarka magaalada Hargeysa CIgaal International Airpot. Prof Buubaa ayaa ay todobaadkan dhamaadka ah waxa ay xukuumadda Somaliland gaar ahaan maamulka madaarka Hargeysa iyo saraakiisha laanta Socdaalka Somaliland waxay ka hor istaageen inuu dalka ka dhoofo iyaga oo ku nisbeeyey baasaboorka uu sito Prof Buubaa oo ay sheegeen inuu yahay mid ah Baasaboorka Somaliya ee ay qaataan Dimlomaasiyiintu.
Related posts:Shirkada Sagal Jet Qaybteeda Gobolka Gabiley Oo Shahaado Sharaf Gudoonsiisay Midkamid Ah Shaqaalahe... 50 Dhalinyaro Ah Oo Fursad Maalgalin Ah Oo Ganacsi Loogu Abuuraayo Ka Helay Daladda NAAGAAD Oo Kaash... Dhalinayro Maayarka Gabiley u Adeegsado Saxaafada Wax Ka Qorta oo Weerar Ku Qaaday Wariye Cabdira... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|