|
|||||
WAJAALE NEWS
Prof: Ismaaciil Hure Buubaa Oo Maanta Dalka Ka Dhoofay
June 9, 2017 - Written by Reporter:Hargaysa(wajaalenews)-Prof Ismaaciil Hurre Buubaa oo kamid ah saraakiisha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI isla markaana ay dhawaan xukuumadda Somaliland ka hor istaagtay inuu madaarka Hargeysa ka dhoofo ayaa maanta dalka ka dhoofay. Prof Buubaa ayaa u socdaalay dalka Kenya gaar ahaana caasimada Kenya ee Nairobi,safarka Prof Buubaa oo ahaa mid gaar ah isla markaana ay xogo rasmi ah laga hayn safarkiisa ayaa waxa uu saaka ka dhoofay madaarka magaalada Hargeysa CIgaal International Airpot. Prof Buubaa ayaa ay todobaadkan dhamaadka ah waxa ay xukuumadda Somaliland gaar ahaan maamulka madaarka Hargeysa iyo saraakiisha laanta Socdaalka Somaliland waxay ka hor istaageen inuu dalka ka dhoofo iyaga oo ku nisbeeyey baasaboorka uu sito Prof Buubaa oo ay sheegeen inuu yahay mid ah Baasaboorka Somaliya ee ay qaataan Dimlomaasiyiintu.
Related posts:DAAWO; Suldaanka Guud Ee Habar Awal Oo Ka Hadlay Falkii Lagu Dilay Labada Sarkaal Deegaanka Gar Ada... “Madaxwaynaha Punthland Waxaan Leeyahay, Waar Laascanood Waxba Utari Mayside, Garoowe Yayna Gacantaa... Daawo:Hogaamiyaha Xisbiga Wadani Xirsi Cali Xasan Oo Dhaliilo U Soo Jeediyay Xukuumada Madaxwayne Si... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|