|
|||||
WAJAALE NEWS
Nin U Dhashay Dalka Yamen Oo Xatooyo Badan U Gaystay Meherado Ganacsi Oo Hargeysa Ku Yaala Iyo Ciidamada Booliska Oo Ku Hawlan Soo Qabashada Ninkaasi
June 22, 2017 - Written by Reporter:Hargeysa(Wajaalenews)—Nin dhalashadiisa la sheegay inay tahay Yamen ayaa jabsaday meherado ganacsi oo kala duwan oo ku yaala magaalada Hargeysa ee caasimada dalka Somaliland. Tuuggan la sheegay inuu dhalasho ahaan kasoo jeedo Yamen ayaa qaab farsamo oo aad u saraysa u jabsaday dukaanada oo ku kala yaala goobo kala duwan,waxaana uu meheradahan ganacsi ee uu jabsaday uu uga soo dhacay xagga sare ee meheradaha,waxaana uu Jiingadihii meheradaha saarnaa ku gooyey Maqas uu watay oo uu ku jarayey jiingadaha maheradaha. Ninkan tuuga ah ayaa waxa uu xatooyo badan u gaystay meheradahaas,waxaana la sheegay inuu ka qaatay meheradaasi lacago badan iyo Dahab dhex yaalay maheradahaa ganacsi. Sawirka ninkan tuuga ah ee meheradaha jabsaday ayaa waxa muuqaalkiisa duubay qaar kamida meheradahaas oo ay ku rakibnaayeen Kamaradaha CCTV-Camera la yidhaa,kaas oo muuqaaladaasi laga dhex arkay isaga oo jabsanaya Qasnadihii lacagta ee goobahaasi yaalay. Ciidamada Booliska Somaliland ayaa ku daba jira soo qabashada ninkaasi la sheegay inuu dhalasho ahaan kasoo jeedo Yamen ee xatooyada dhaca ah u gaystay Meheradaha ganacsi ee Hargeysa ku yaala,waxaana ciidamadu baadhitaan ku hayaan ninkaasi. Maheradaha uu dhaca u gaystay ninkan ayaa waxay ku kala yaalaan xaafadaha Jigjiga yar,Xero-awr iyo Shacabka,kuwaas oo baadhitaano uu ku sameeyey ku ogaaday inaan habeenkii la dhex seexan maheradahani ganacsi sidaasna uu ugu soo dhacay.
Related posts:Daawo: Shil Gaadhi Oo Ka Dhacay Dawga Buurta Sheekh Oo Hakad Galiyay Isu Socodka Gaadiidka Iyo Khasa... DAAWO ; Hogaanka Xisbiga Kulmiye Oo Xaflad Soo Dhawayn ah Usameeyay Xildhibaano Reer Gabilay Ah Oo... Ururka Gadiidlayda Tawfiiq Oo Magaalada Berbera Ka Dhigay Mudaharaad Ay Kaga Cabanayaan Wasaarada G... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|