|
|||||
WAJAALE NEWS
Nin Facbook-ga Ku Aflagaadeeyay Nabi Maxamed Oo Dil Toogasho Ah Lagu Xukumay
June 13, 2017 - Written by Reporter:Hargaysa(Wajaalenews)-Maxkamad ku taala dalka Pakistan ayaa dil ku xukuntay nin u dhashay dalkaasi oo lagu eedeyay in bartiisa Facebook-ga uu ku qoray waxyaabo ka dhan ah diinta Islaamka. Ninkan oo lagu magacaabo Taimoor Raza ayaa aflagaadeeyay xaasaskii Nabi Maxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaate iyo saxaabadiisa. Dacwad soo oogaha dalka Pakistan ayaa sheegay in uu rumesanyahay in tani ay tahay markii ugu horeysay xukun dil ah lagu rido kiis ka dhaca baraha bulshada. Ra’iisal wasaaraha Pakistan Nawaz Sharif ayaa isna ku tilmaamay waxyaaba ka dhanka ah diinta in ay yihiin dembi aan la isugu cudur daareyn. Hase ahaate, kooxaha u dooda xuquuqul insaanka ayaa walaac ka muujiyay xukunkaan dilka ah, waxaana arrintani ilaa iyo hadda aanan ka hadlin Shirkada Facebook-ga. Shirakda Facebook-ga ayaa bishii March ee sannadkan sheegtay in dalka Pakistan ay u direyso khubaro, si loo wajaho walaaca dowladda Pakistan ee la xidhiidha waxyaabaha ka dhanka ah diinta Islaamka ee lagu daabaco baraha bulshada. Balse shirakdu waxay intaasi ku dartay in ay ilaalineyso xuquuqda iyo waxyaabaha u gaarka ah macaamiisheeda. Related posts:Madaxwayne Kuxigeenkii Hore Ee Jsl OoKka Hadlay Arimaha Doorashooyinka Iyo Baaq Culus Oo Uu Udiray B... Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta Jsl Oo Imaamada Masaajidada Ku Amartay In Joojiyaan Makarafoonada Habe... Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Oo Si Qaawan Uweeraray Dhigiisa Wadani, Sheegayna In Aanu Nabad Ku Tagay ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|