Musuq-maasuq Xakamaha Goostay Ee Ka Jira Kastamka Kalabaydh Oo Sabobay In Laba Maalmood Oo Isku Xiga Laba Shaqaalaha kastamka Ka Mid Ahi Kula Dagaalamaan Goobta Shaqada Maamulka W/Maaliyada Iyo W/Ganacsiga | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Musuq-maasuq Xakamaha Goostay Ee Ka Jira Kastamka Kalabaydh Oo Sabobay In Laba Maalmood Oo Isku Xiga Laba Shaqaalaha kastamka Ka Mid Ahi Kula Dagaalamaan Goobta Shaqada Maamulka W/Maaliyada Iyo W/Ganacsiga
June 1, 2017 - Written by Editor:

GABILEY(W,N) Waa hubaal in Kastamka Kalabaydhku ka mid yahay goobaha ugu mihiisan Dakhli ururinta Wasaarada Maaliyada waana kastamka Labaad ee Dakhliga ugu badan uga soo xeroodo  Wasaarada Maaliyada Dalka S/land iyadoo Wararka Maalmahan u danbeeyay aanu ka helayno ay noo  Xaqiijiyeen in Kastamka Kalabaydhka Waqtigan ka jirto Maamul xumo iyo Musuq-maasuq Xakamaha  goostay oo Sabobay in Laba Maal-mood oo isku xiga Laba ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradaha Maaliyada Iyo Ganacsigu ay Dagaal Gacanta ah ku qaadaan Maamulayaashooda Wasaaradaha Maaliyada iyo Wasaarada Ganacsiga .

breakin-news

Mar kale Kastamka Kalabaydhku waa Kastamka lagu Cashuuro Caleenta Qaadka taasoo Sabobtay in ay Waqti kasta Shaqada Kastamku socoto iyadoo aan loo eegayn Habeen iyo Dharaar ilaa Waqtiyada iyo Maalmaha ay Fasaxa galaan Shaqaalaha kale ee Dawladu waxaana lagu qiyaasaa Dakhliga uga soo xerooda Wasaarada Maaliyada ilaa 20 % ka mid ah Dakhliga guud ee Wasaarada Maaliyada uga soo Xerooda Kastamada Dalka ugu horaynse waxaa iswaydiin mudan maxaa keenay in Waqtiga Abaaraha iyo dhoofkii  Xoolaha  laga joojiyay S/land in Kastamkii Labaad ee Dalka S/land uu Xakamaha goosto Maamul xumo iyo Musuq-maasuq ? Maxaase keenay in Gudaha Kastamka Kalabaydh ay Shaqaalaha iyo Maamulkooda uu Dagaal Gacan la isku qaatay ku dhex maro ? Aaway Kaalintii Ciidanka Ilaalada Cashuuraha ee Gudaha Kastanka Kalabaydh ku sugnaa ? Ma qaadeen Talaabadii ku haboonayd Ciidanka Ilaalada Cashuuraha ee Kastamka Kalabaydh ka hawl galaa? Ma qaadayse Talaabadii ku haboonayd Isuduwaha Wasaarada Maaliyada ee G/Gabiley Danbigaa ka dhex dhacay Gudaha Kastamka Kalabaydh ? Isuduwaha Wasaarada Maaliyada ee G/Gabiley ma u gudbiyay Danbiga ka dhacay Gudaha Kastamka Kalabaydh Madaxda Sare iyo Wasiirada Wasaaradaha Maaliyada iyo Ganacsiga ? Maxaase Sabobay Dagaalkan dhex maray Maamulka iyo Shaqaalahooda ee ka dhacay Gudaha Kastamka Kalabaydh ? Ma lagu Tilmaami karaa in jiraan Musuq-maasuq Sabobay Dagaalka Shaqaalaha iyo Maamulkooda ku dhex maray Gudaha Kastamka Kalabaydh ? Maxaase keenay in Laba Nin oo ka mid ah Shaqaalaha ka Hawl gala Kastamka Kalabaydh Danbi isku mid ah galay midna Xabsiga loo Dhaadhiciyo midna la sii daayo oo Shaqadiisii xaga hore ka galo ? Talaabadaa Cadaalada ka fog Kaalin Labadii Nin ee Shaqaalaha ahaa lagu kala reebay door noocee ah ayuu ku leeyahay Isuduwaha Wasaarada Maaliyada G/Gabiley? Hadiise aan halkaa ku dhaafo  Su”aalaha Warbixintani Xambaarsan tahay oo xasuustooda mudan  .

 

Inkasta oo Dagaalkan Gacanta la isku qaado ee dhex maray Shaqaalaha iyo Maamulka Wasaaradaha Maaliyada iyo Ganacsiga ee Kastamka Kalabaydh aanu ahayn mid Ugub ah oo marar badan ku soo Noqnoqdo Gudaha Kastamka Kalabaydh waxay noo Xaqiijiyeen goob joogayaal in Dagaalkani dhex maray Maamulaha Kastamka iyo ku xigeenka Qasnajiga Maalin ku beegan 27/5/2017 isagoo Dagaalkani ka dhashay Xisaab Musuq-maasuq oo la isku Khilaafay iyadoo Maamulaha Kastamka Kalabaydh Mr Cabdi ( Hargaysa ) oo weedho Af-lagaado ah ku weeraray ku Xigeenka Qasnajiga Kastamka Kalabaydh dabadeedna ku xigeenka Qasnajigu dabadeedna ay sobobtay gacan ka hadal  ku dhex maray  Xafiiska Lacag Qabashada ama Qasnada ee Kastamka Kalabaydh iyadoo goob joogayaashu intaa ku dareen In Dagaalkii dhex maray Maamulka Kastamka iyo ku xigeenka Qasnajigu lagu dhameeyay in hoos loo dhameeyo Dagaalkooda mar hadii ay isku Dagaaleen Musuq-maasuq oo hadii Wasiirka iyo Madaxda Sare ee Wasaarada Maaliyadu Maqlaan ay saamayn ku yeelanayso Labadoodaba Talaabo Dag-dag ahna laga qaadi doono .

Halka isla Maalintii ku xigtay oo Taariikhda ku beegan 28/5/2017 mid ka mid ah Shaqaalaha Wasaarada Ganacsigu isku farasaareen   Barxada hore Maamulahii Wasaarada Ganacsiga ee Kastanka Kalabaydh iyadoo dhacdadan Maamulaha Wasaarada Ganacsigu ku Dacweeyay Sadex ka mida Shaqaalihiisa una Badalay Xarunta Wasaarada Ganacisga ee Hargaysa iyadoo labada dhacdo ay ka dhasheen Musuq-maasuq iyo Maamul xumo baahsan oo ka jirta .

Isku soo wada duuboo waxay dhacdooyinkani muujinayaan in Kaalintii Isuduwaha Wasaarada Maaliyada Gobolka Gabiley ay gabi ahaanba noqotay mid hawl gaba oo aan shaqayn iyadoo Booliska Ilaalada Cashuuraha ee ka hawl gala Kastamka Kalabaydh ay yihiin kuwo ka gaabshay Gabi ahaanba Waajibaadkii shaqo ee ay  lahaayeen waana Sababta keentay in uu  Xakamaha goosto Musuq-maasuqu oo Dagaalka Gacanta la iskula tago Gudaha Kastamka Kalabaydh hadaba dagaalkan ka dhex dhacaya Shaqaalaha iyo Maamulka Wasaaradaha Maaliyada iyo Ganacsiga ayaa marag cad u ah Maamul xumo iyo Musuq-maasuq sabobay kala Amar qaadasho la”aan ka jirta Gudaha Kastamka Kalabaydh iyadoo Heerka Musuq-maasuquna gaadhay halkii ugu saraysay waana lama huraan in Wasiirka Maaliyadu iyo Madaxda Sare ee Wasaarada Maaliyadu Talaabo Dag-daga ka qaado Masuuliyiinta ku heshiiyay Musuq-maasuqa Xakamaha Goostay .

Kala Soco Qormada Labaad Shaxda Saami Qaybsiga Ee Maamulka Wasaaradaha Maaliyada,Ganacsiga Iyo Booliska Ilaalada Cashuuruhu Ku Qaybsadaan Musuq-maasuqa Xakamaha Goostay Ee Ka Jira Kastamka Kalabaydh.

WAJAALENEWS DESK

WAJAALE STAFF

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS