Muran Siyaasadeed Oo Ka Taagan Koonfur Afrika | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muran Siyaasadeed Oo Ka Taagan Koonfur Afrika
June 23, 2017 - Written by Reporter:

_96601701_94915193-36aa-4408-b9ed-588e369395d7

Hargaysa(Wajaalenews)-Maxkamada dastuurka ee dalka Koonfur Afrika ayaa go’aaamisay in gudoomiyaha baarlamaanka ay awood u leedahay in ay go’aan ka gaadho in u codeynta mooshinka kalsooni kala-noqoshada madaxwayne Jacob Zuma loo qaadi karo si qarsoodi ah iyo in kale.

Maxkamada dastuuriga ayaa sheegtay in afhayeenka baarlamaanka ay xaq u leedahay in ay amarto tilaabadasi.
Gudoomiyaha barlamaanka ayaa hore u sheegtay inaysan lahayn awood ay go’aan kaga gaadho.

Mucaaradka ayaa waxa ay ku baaqeen in codadka loo dhiibto si qarsoodi ah ,balse waxaa arintaasi diiday gudoomiyaha baarlamaanka Baleka Mbete oo qudheeda ka mid ah saraakiisha sarsare ee xisbiga ANC.

Mr Zuma ayaa waxa lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa tiro fadeexado musuqmaasuq ah ,haseyeeshee waxa uu ka badbaaday dhowr jeer oo loo qaaday codka kalsooni kala noqoshada.

Bilihii aynu soo dhaafnay Madaxweyna Zuma ayaa cadaadis weyn oo dhanka siyaasadda wajahayay, iyadoo hogaamiyayaasha mucaraadka, ururada shaqaalaha, kooxaha diimaha iyo bulshada rayidka ah ay bilaabeen isbahaysi cusub oo ay ku khasbayaan Madaxweyne Zuma inuu xilka ka dego.

Isbahaysigan oo isku sheegay dhaqdhaqaaqa xoriyadda waxaa taageeray baadariga weyn ee Desmond Tutu.

COMMENTS
LINKS