|
|||||
WAJAALE NEWS
Milkiilaha Facebook Oo La Afuray Soomaalida Minneapolis Ee Dalka Maraykanka
June 23, 2017 - Written by Reporter:Minnesota,(Wajaalenews)-Milkiilaha Facebook, Mark Zuckerberg ayaa xalay casho afur ah magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota kula yeeshay qaar ka mid ah Soomaalida halkaas ku nool, Zuckerberg, ayaa u mahad-celiyey Soomaalidii afurka ku casuumtay, wuxuuna sheegay inuu aad ula dhacay kartida iyo dhiiranaanta ay ku doonayaan in meel aysan aqoon ay dalkooda cusub uga dhigtaan. Waxa uu sheegay in qofka qaxootiga ah uusan lahayn ikhtiyaar uu ku doorto dalka uu ku noolaanayo. Waxa uu sheegau inuu nin ka mid ah Soomaalida oo 26 sano ku nool xero qaxooti weydiiyey, in hadda uu dareemayo in Mareykanka uu yahay dalkiisa iyo in kale, kadibna uu ugu jawaabay “Dalkaaga waa kan aad ku dareento xorriyad aad ku sameyn karto wixii aad doonto. Haa, kani waxaan u dareemayaa dalkeyga”. Mark Zuckerberg ayaa sheegay in hadallada noocaas oo kale ah ay yihiin kuwo sharaf u ah Mareykanka oo ah dal qiimeeyaa xorriyadda qofka.
Related posts:Gudoomiye Samaale Oo Markle Sheegay In Madaxwayne Biixi Kusoo Baxayo Cod Ka Badan Kii Uu Ku Guulayst... Daawo:Sacad Cali Shire Oo Ka Hadlay Wareejinta Gagada Diyaaradaha Berbera Iyo Saamaynta Ay Ku Yeelan... DAAWO;-Abwaan Daaha Gaas Oo ka Hadlay Bandhig Sugaaneed Laga Joojiyay Iyo Jawaabta Maamulka Burco! COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|