|
|||||
WAJAALE NEWS
MAWQIFKA SOMALILAND YAA U CADOW AH? CALI GURAY,
June 15, 2017 - Written by Editor:Qatar Waxay Taageertaa Barnaamijka Islaamka Siyaasiga ah(political islam) iyo kooxaha aaminsan ee Akhwaanul Muslimiinka iyo inta la halmaasha oo marka la isku wada daro loo yaqaano kooxaha ikhwaaniyiinta. Dawlad ahaan Qatar may qaadanin barnaamijka mana ogola inay ka hirgeliso dalkeeda balse waxay taageero laxaad leh siisaa kooxaha fikirkaa aaminsan ee dalalka kale waxanay ku bixisaa aduun aad iyo aad u badan inay kooxaha ikhwaaniyiintu ku guulaystaan xukunada dalalka kele een ahayn dalkeeda waxana ka mid ah dhamaan dalalka ku jira Jaamacadda Carabta oo ay si qaawan u farogeliso warbaahinta Aljazirana u adeegsato dacaayadaha ka dhanka ah dawladaha ka horyimi ujeedada kooxahaasi. Waxa wax lala yaabo ah dal barnaamij aanu doonayn in dalkiisa lagaga dhaqmo hadana dalalka kale doonaya inu qasab kaga dhigo inay qaataan taas uu mararka qaarkood ku wiiqo xasiloonida iyo amniga qaran ee dalalka qaar oo gudahooda fidmo ka dhex abuuro. Dhamaan dalalka islaamka oo dhan gaar ahaana kuwa carabta ah Qatar waxay ku yeelatay nuuf ha ku kala xoog bataan eh waxanay siyaabo kala duwan u caawiyaan kooxaha iyaga sida gaarka ah ugu xidhan. Hadaba Somaliland iyo Somalia oo ku kala leexday khilaafka Khaliijiyiinta Qatar waynu garan karnaa Somalia oo iyada uga hiikisay dalalkii kale ee Sucuudig, Imaaraadka, iyo Masar ay soo dhawaysanayso taageero bandanna ku siin doonto sidii uu Madaxwayne Farmaajo xukunkiisu dhidibka ugu aasan lahaa Somaliya, cid kalena aanay uga riixi karteen taas oo laga yaabo inay noqoto miino aasan oo mar ay noqotoba maalin qarxi doonta.Hadaba Somaliland maxay ka yeeli doontaa Qatar marka horese nufuud intee le’eg ayay ku lahayd? Kooxaha Ikhwaaniyiinta ama Al Islaam Asiiyaasi waxa taageeri jiray dalal badan oo carbeed Qatarna mid uun bay ka ahaan jirtay. Lakiin intii ka dambaysay Inqilaabkii Madaxwaynihii ugu horeeyay ee si dimuqraad ah loogu doortay Masar wax badan ayaa iska bedelay dalalkii awal hore taageeri jiray sababtuna waxay ahayd iyadoo Ikhwaanku ay ku fashileen hogaaminta dalalkii ay iyagu gacanta sare ku yeeshii intii uu bilaabmay Gugii Carabtu( Rabiical Carab) oo markii hore la moodayay inu ka dhalan karo isbedel dhinaca dimuqraadiyadda dalalka carabta lakiin markii dambe ee la arkay burburkii dalalka uu gaadhay Guga Carabtu iyo hogaamintii kooxaysnayd ee dalalkii ay ikhwaaniyiintu ku guulaysteen dalalkii taageeri jiray kooxaha Ikhwaaniyiintu dib ayay uga wada gurteen marka laga reebo laba dawladood oo keliya waa Turkiga iyo Qatar eh. Sidaa daraadeed ayay kooxihii Ikhwaaniyiintu cidda keliya ey isu guureen ahayd Turkiga iyo Qatar oo iyagu weli diyaar u ahaa taageeradooda. Hadaba sanadihii ugu dambaysay Qatar waxay bilawday dardar cusub oo cidiyo ku daqaalan ah laakiin dhinaca kale farogelin qaawan iyo ku xadgudub arimaha gudaha ee dalalka kale noqonaysa. Doorashadii Somalia ee hore iyo xataa sida ay sheegayaan wararka isa soo tarayaa doorashadii ugu dambaysay ee lagu doortay Farmaajoba waxay ahaayeen guulo ay Qatar ka soo hooysay danihii ay ka lahayd taageerada kooxaha Islaamiyiinta ah.Dhinaca kale Somaliland lafteeda si dadban ayay gacanta ugu dhigeen xukunka ilaa ay gaadheen heer wixii ay ogol yihiim mooyee aan wax kale ka socon karin Somaliland. Baanankii Ganacsiga ee ka jira dalalka islaamka ah oo dhan waxay u bixiyeen Baananka Ribada iyaga oo si qaldan u fasiraya diinta sidaa daraadeed ayay xukuumadda oo beryihii dambe la odhan jiray way ka go’an tahay furista ansixinta sharciga Baanka Ganacsigu ay hadan ku dhici kari wayday inay mel mariso waxan sabab u ahaa kooxda awooda badan ee kooxdaneedka ah. Ta labaad gudiyada loo magacaabo xiliyada abaaraha qof in iyaga lagu daro aan ahayn kooxdooda ma ogola waayo fii shii wax ay qarsanayaan oo gar ah ayaa sida ay u maalulaan qaraamaadka loo ururiyo dadka tabaalaysanna isaga sheekayn mayno. Waxay gaadheen inay loo ogolaado in keligood ay iyagu yihiin culimada Somaliland. Waxa ugu dambeeyay Golalaha Culimada Somaliland iyaga ayaa is magacawday madaxwaynaha waa laga saxeexay laakiin kolay cid uun baa liiska soo diyaarisay laga yaabo inay Wasaaradda Awqaaftaba tahay. Durtaba cabashooyinka ka soo baxayna waynu ognahay. Dadka xogogaalka ahi waxay sheegayaan in ilaa 80 masaajid iyo tiro ka sii badan oo mdrasado ah ay toos ugu xidhan yihiin mucaawimada Qatar xataa gaadiid ay ugu deeqday mushahar joogto ahna siiso hadii ay jirto ma hor ilaahay baa mise maaha? Wakhtigan xaadirka ah in laga shakiyaa maaha wax lala yaabi karo. Waxynu ognahay in mawqifka xukuumadda cidda ugu badan ee ka soo horjeedaa ay yihiin kooxda wadaadada loo yaqaan oo la ogyahay awood bandan ey ku leeyihhin go’aamada Haya’daha Dawladda ee Sharci dejinta iyo fulintaba. Sidaa daraadeed nufuuda Qatar ay ku yeelan karto Somaliland maaha wax la yaraysan karo, in maalin dhaw khudaha Jimacaha aynu ka maqalo wax aynaan uga fidhiyna waa laga yaabaa oo hadii ay doonaan yidhaahdaan ICTIRAAFKU WAA XAARAAN, Go’aankii xukuumaddu sax muu ahayn, waxay u hiilisay kuwii Yuhuudda raacay iwm Si kastaba xaalku ha ahaado eh xukuumaddu way asiibtay go’aanka ay ku taageertay xulafada ka dhanka ah Qatar sidii ay uga midho dhalin layddna waa looga fadhiyaa. Sidaa daraadeed Somaliland muxaafid iyo mucaarid waa in lagu taageera ishana lagu wada hayaa kuwa la inagu dhex beertay ee aan shacbiga Somaliland la danta ahayn ee danaha gaarka leh. Ugu dambaystii Culimada Ahlu sunna Wal Jamaaca ee ay takooreen way ka badheedhi karaan inay xukuumadda ku taageeraan mawqifka ay qaadatay lakiin kuwa ay hoosta soo gashatay kuma dhacaan inay mawqifka xukuumadda Somaliland taageeraan oo Khudbada Jimcaha oo kolba waxay iyagu doonaan ku cambaareeyaa ku taageeran haday karaan ha ina maqashiiyaan cododkooda iyaga oo taageeraya mawqifka xalaasha ah ee Xukuumadda Somaliland. Hadii taa laga helo waa inaga hadii kale inaga maaha ee inta ay goori goor tahay ha laga tashado FALANQEEYE KA FAALOODA ARIMAHA SOMALILAND MUJ CALI MAXAMED YUUSUF (CALI GURAY) COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|