Magaalo Qadiimi Ah Oo Masaajid Leh Oo Laga Helay Itoobiya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Magaalo Qadiimi Ah Oo Masaajid Leh Oo Laga Helay Itoobiya
June 16, 2017 - Written by Reporter:

addis Ababa,(Wajaalenews)-Gogobolka Harlaa ee bariga dalka Itoobiya ayaa laga helay magaalo qadiim ah oo la iska iloobay.

Waxaa la aaminsan yahay in magalaadani ay qarniyo ka hor ahaan jirtay xarun ganacsi.

Waxyaabaha haraagoodii la soo faaqay ee dhulka hoostiisa loogu tagay waxaa ka mid ahaa masaajid dhisnaa ilaa qarnigii 12aad iyo qubuuro ay Muslimiintu dadkooda ku aasi jireen.

Madaxa kooxdan culimada ah ee baareysa hadhaagii hore ayaa sheegay in habka uu u dhisan yahay masjidka ay heleen uu la mid yahay sida masaajidda laga helay koofurta Tanzania iyo Somaliland,oo waxay caddeyn u tahay inuu jiray xidhiidh taariikheed oo u dhexeeya bulshooyinka Islaamka ee Africa.

Waxaa kale oo la helay lacag maar iyo qalin ka sameysan oo Masar laga isticmaali jiray qarnigii 13aad iyo dahab iyo qalin dumarku xidhan jireen iyo alaabooyin kale oo laga keenay dalalka Madagascar,Maldives,Yemen iyo Shiinaha.


Beeraleyda gobolka Harlaa ee bariga Itoobiya ayaa in badan waxay meel dhulkooda ka mid ah ka helayeen alaabooyin ay la yaabeen oo ay ka mid tahay lacag sanuud ah oo Shiinaha laga laga isticmaali jiray taasi waxay dhalisay sheeko xariireed dadku ku sheekeysto oo ah in meeshu tahay aag ay ku noolan jireen dad ka waaweyn dadka caadiga ah oo haddana ka dhaadheer dadka caadiga ah,hase ahaatee culimadii baadhitaanku waa ay xaqiijin waayeen sheeka-xariirta._96519571_excavations6-lr

_96516631_harlaamosqueview-lr-1

 

Haddaba sanadkan culimadu waxay qodi doonaan dhul kale,waxase inta ka horeysa la darsayaa haraagii ilaa 300 qof oo ku aasan qubuuraha oo waxyaabaha la darsi doono ay ku jirto qaabkii ay wax u cuni jireen iyo wixii ay cuni jireen.

Natiijadii cilmibaaristan waxaa lagu soo bandhigi doonaa xarunta gobolka ee lagu kaydiyo wixii laga dhaxlay quruumihii hore iyo matxafka qaranka ee addis Ababa.

 

COMMENTS
LINKS