Madaxweynaha Jsl Oo Xeer Madaxweyne ku Cayimay Xilliga Doorashada Madaxtooyada la Qaban Doono. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jsl Oo Xeer Madaxweyne ku Cayimay Xilliga Doorashada Madaxtooyada la Qaban Doono.
June 11, 2017 - Written by Editor:

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu xeer Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4866/062017 ku Cayimay Xilliga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland la qaban doono

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay:           Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda    Somaliland;

 Markuu Arkay:      Qodobka 83aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; 

   Markuu Arkay:         Qodobka 9aad ee Xeerka Wax-ka Beddelka iyo Kaabista Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Goleyaasha Deegaanada ee Xeer Lr.  20/ 2001;

  Markuu Helay:       Qoraalka Guddida Doorashooyinka Qaranka ee Summaddiisu tahay KDQ/XK/060/2017 ee ku taariikhaysan 08/06/2017, Ujeeddadiisuna tahay Cayimaadda Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, si waafaqsan Qodobka 9aad (2) ee Xeerka Wax-ka Beddelka iyo Kaabista Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Goleyaasha Deegaannada ee Xeer Lr.  20/ 2001;

 

    Markuu Arkay:      Go’aanka Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland ee summaddiisu tahay GG/JSL/Go’aan-02/03/2017, kuna taariikhaysan 06/03/2017, kaas oo lagu sameeyey muddo korodhsiimo ku eeg 13/12/2017;

 Markuu Arkay:       Qoraalka Maxkamadda Dastuuriga ah, ee summaddiisu tahay MD/DD/01/2017, kuna taariikhaysan 16/02/2017, ujeeddadiisuna tahay Qaraarka Dib-u-eegista Qaraar Fasiraad lam.MS/DD/02/2015 ee 18/08/2015; 

  Markuu Ku Qancay: In ay lagama-maarmaan u tahay Hannaanka Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka in la cayimo Xilliga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland;

Wuxuu Soo saaray

Xeerkan oo lagu go’aamiyey in taariikhdu marka ay tahay 13/11/2017, ay noqoto maalinta ay qabsoomayso Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

ALLAA MAHAD LEH

 Naasir Yuusuf Daahir

Agaasimaha Saxaafadda Madaxtooyada JSL, ahna

Ku simaha Af-hayeenka.

COMMENTS
LINKS